U bood dhigaalka

Xildhibaan Cali Nuur: “Xaaladda Magaalada B/weyne ka Taagan Waa Mid Aan Horey Loo Arag”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ku tilmaamay dhibaatada Baladweyne ka taagan tii ugu Xumeyd ee Abid  magaalada soomarta.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay saadaalin ay hay’adaha caalamiga ah ay hore u sheegeen in dhibaatooyin la fili karo iyo sida aan loogu diyaar garoobin:

“Muddo laga joogo 5-6 bilood ka hor ayaa waxaa dhawaq dheer naga soo gaaray hay’adaha Caalamiga ah ee ku howlan saadaalinta hawada, waxayna noosheegeen in sanadkan abaaro aan horey loo arag iyo fatahaadyo xagga biyaha ah ay imaan doonaan, roobku uu fatahaadyo abuuri doono inta roobka ka horreysana abaaro dadka xoog u taabtaa iman doonaan, intaana hadda waan aragnay, saameynta ay yeelatay Al-Niniyo 6 bilood ka hor ayaa uu nasoo gaaray baaqiisu, balse nasiibdarro dhawaqaas waa la sahladay xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah dhawaqooda wey sheegaane wax qabadkooda ma raaciyaan”.

Fatahaaddan wabiga waxaa ka horreeyay abaaro wakhti kooban oo aad u kululeyd oo waliba aad u sameeyeey gobolada waqooyi iyo waqooyi galbeed ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed sidiisaba colaad kasta iyo dhibaata kasta oo lagu jiro, waxa uu caan ku yahay inuu is gargaaro, gurmadna isku sameeyo, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu xildhibaanku ku tilmaamay xaaladda ay maanta Baladweyne ku sugan tahay tii ugu xumeyd abid ee magaalada soo marta:

” Baladweyne waa magaalo weyn oo taariikhi ah, xarun u ah waddanka oo koonfur iyo waqooyi isku xirta, magaaladu maanta waxay ku sugan tahay xaalad aan horey loo arag, magaalo 400 oo kun oo qof iyo kabadan ay ku nooshahay oo 80% dadkii magaalada deganaa ay ka barakaceen oo ay dagan yihiin magaalada meel ka baxsan oo tas-hiilaadkii nolosha ka fogaaday xaalad noocaas ah ayay ku jiraan”.

“Biyihiina magaalada iney kasii daraan mooyaane hoos umey dhicin, waxaa intaa dheer bahallo ay biyuhu wataan ayaa dadkii saameeyay, waxaa ka jira koronto la’aan baahsan, adeegyadii bulshada oo dhan waa istaageen, caafimaadna warkiisa iskaba daa, dhibaatooyinkaas taagan oo dhan diyaar garow la’aan darteed oo xagga xukuumadda ah inaan wax gargaar ah illaa hadda uusan gaarin, gaargaarkii ugu horreeyay ee gaaraa xagga Jabouti ayuu ka yimid, waxaan aad uga xumahay inaan xukuumaddu talaabtii ay mudneyd aaney ka qaadan”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ka dhacay shir ay iskugu yimaadeen xildhibaanada qaarkood, kaas oo lagaga wada hadlay xaaladda fatahaadaha magaalada B/Weyne,  waxay xildhibaanadu mushaarkooda ka jareen lacago loogu gurmanayo dadka dhibaatadu saameysay iyadoo lacagtaa loo gudbinayo guddiga u xilsaaran musiibooyinka ee abaarihii gurmadka la gaaray gobollada waqooyi.

Magaalada B/weyne ayaa guud ahaan laga soo sheegayaa xaalad adag iyo daadad ku soo rogmaday inta badan magaalada iyadoo dadkii magalaada daganaa intoodii badneyd ay u qexeen duleedka magaalada.

Goobjoog News