U bood dhigaalka

Xildhibaan Cali Xasan Dhuux:” Masiirka Galmudug Shakhsi Ma Hagi Karo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Cali Dhuux oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Goojoog News ayaa sheegay in Galmudug masiirkeeda aanuu shakhsi kaligii hagi karin ayna ku dhisan tahay wadajir.

Xildhibaan Xasan Cali ayaa waxa uu ku jiray xildhibaanno Galmudug ah iyo aqoonyahanno magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay golaha badbaadada Galmudug, ayaa waxa uu xusay iney u taagan yihiin badbaadinta Galmudug:

“Wax mooshin ah oo Galmudug ka dhan ah ma jiro, badbaadadeeda ayaan u taagan nahay ee wax ka dhan ah ma jiro, badbaadadeedana waxaan ku keeni karnaa anagoo muujina sida wadajirka ah iyo wadashaqeynta iyo habsami u socodka, inaan marka hore muujino wadaniyadayada iyo taageeradayada iyo inta aan u hayno Galmudug iyo sidaan xildhibaanno ugu nahayba waxa weeye inaan dalka iyo dadkaba aan wax u qabanno, waxaan wax ugu qaban karnaa wadatashi joogto ah iyo xilkasnimo”.

“Laakiin haddii ay noqoto in uu qof iska tashado ama uu qof shakhsi ah uu go’aan qaato, waan u sheegaynaa waxaan leenahay masiirka Galmudug shakhsi ma hagi karo, masiirka Galmudug waxa uu ku dhisan yahay wadajir, qof ka aan wadajir ku hogaamineyn oo aan wadajir ku dhisayn Galmudug waxay tahay ayaa ka weyn go’aanno ayaan kasoo saari karnaa”.

Waxa uu faah faahin ka bixiyay ulajeedada dhabta ah ee golaha badbaadinta Galmudug:

“Golaha badbaadinta Galmudug u jeedada ka dambeysaa waxa weeye, badbaadada aan tilmaameyno, in hanaan geedi socod nabadeed ah in la gaaro, inaan beelaha walaalaha ah ee dhex dagan aan dhex dhigno gogol nabadeed, inaan dib u heshiisiin aan sameyno, in deegaanada maqan ee Galmudug aan nabad ku soo dabaalno, in deegaanada ay gaartay Galmudug horumarkeeda la muujiyo, inaan udub dhexaadka u taagno weeyaan Galmudug u jeedkayagu”.

Waxa uu sheegay in Dhuusamareeb ay ugu baaqayaan gogol nabadadeed:

“Maamulka Dhuusamareeb jooga waa maamul aan dooneyno inaan dib u heshiisiin aan la sameyno, dalka iyo dadka dhiig daata uma rabno, nabad ayaa horumar leh inaan wax kasta ku xallino nabad iyo is dhexgal inaan ku arrimino gogol dhigno la tashanno, in dhan walba aan ka fakarno sidii xal lagu gaari karo inaan kusoo dabaalno dalka anagaa diyaar u ah”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in ay mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ay is raacsanyihiin oo ay midaysan yihiin oo ayna ka wadashaqeynayaan isfahamka iyo wadajirka dalka.

Si kastaba, madal la magac baxday madasha wadatashiga iyo badbaadinta Galmudug ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay, iyadoo wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan uu si  kulul uga soo horjeestay golaha iyo ulajeedada ka dambeysa.

Goojoog News