U bood dhigaalka

Xildhibaan Cumar Finish:Doorashooyinka Dadban ee Dalka in La Fuliyo Ayaan U Fadhinnaa haddaan nahay Baarlamaanka

Sheeko:War

Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Finish” oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah aan la yeelanay ayaa sheegay in siyaasiyiinta dalku ay u fadhiyaan fulinta doorashooyinka dadban ee dalka.

Xildhibaanka oo ay Goobjoog News la yeelatay wareysi ku saabsan  doorashooyinka dalka ayaa yiri:

“Mar haddii la awoodi kari waayay doorashadii dastuuriga ahayd ee qof iyo codka ahayd, tan xigta ee la isla go’aansaday oo ah doorasho dadban in la dhaqan geliyo ayaan  u fadhinaa haddaan nahay siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan baarlamaanka. Midda kale runtii marka aan fiirinno sida ay hadda wax u socdaani ee gaabiska ah iyo wakhtigii oo hoosta inaga soo galay ilama aha aniga aragti ahaan Augusta iyo September laga gaarsiin karo”.

Waxa uu xildhibaanku ka hadlay doorasho qof iyo cod ah sababaha ka hortaagan iney dalka ka qabsoonto:

“Waxaa keenay sababo badan, waxaan ka xusaayaa laba sababood, waa midda koowaad; doorasho kama qabsoomi karto meel aan amni ahayn oo aan dowladdu koontoroolin, markaa meelo badan oo dalka ka mid ah ma koontaroosho dowladdu waxaa maamula kooxo dowladda ka soo horjeeda, meelo kale oo dowladdu ay gacanta ku hayso laakiin aanuu amnigu u saamaxayn iney doorasho ka qabsoonto wey jirtaa. Waxaa kale oo jira maamullo  ka mid ah goboladii dalka oo la doonayay iney doorasho ka dhacdo, laakiin sheegay iney dalka intiisa kale ka go’een, waana caqabadaha muuqda ee doorashada qof iyo cod aaney u hirgaleyn”.

Xildhibaan Cumar Finish ayaa talo kusoo jeediyay in guddiga doorashooyinka dadban ay si dhakhsiyo ah howshooda  u gudo galaan, mas’uuliyiinta dowladduna ay ku garabsiiyaan gudashada howshooda oo muhiim u ah in doorasho ay dalka ka qabsoonto.

Si kastaba, waxaa isasoo taraya walaaca ay muujinayaan siyaasiyiinta oo ku aaddan dib u dhaca doorashooyinka dalka oo ay muuqato inaan wakhtigeedii ay ku qabsoomi lahayd ka dib dhacayso.

Goobjoog News