U bood dhigaalka

Xildhibaan Boqorre “Shaqo Badan oo Guddiga Garsoorka Qaban Lahaa, Waxaa Cuuryaamiyay Is Qab-Qabsiga Madaxda Dowladda”

Sheeko:Baarlamaanka

Xilli Nabadda iyo Cadaaladda ay tahay qodobka 16-naad ee Global Goal-ka 2030-ka ayey Soomaaliya ku jirtaa Wadamada ku liita Nabadda iyo Cadaaladda.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in garsoorkii dalka uu la burburay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Boqorre oo ka tirsan Guddiga garsoorka baarlamaanka waxaa uu sheegay in ay qabteen shaqadii loo soo gudbiyay sida sameynta nidaamka garsoorka iyo sharciga Maxkamadda dastuuriga isagoo guddoonka weydiistay in ay Baarlamaanka hor geeyaan sharcigaas si loo meelmariyo.

Cusmaan Boqorre waxaa uu sheegay in Cadaalad ku iman karto in lagu dhaqmo shareecada Islaamka kaas oo baalarmaanka uu ansixiyay mudadii KMG aheyd.

Cusmaan waxaa uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha Qaranka ay la fariisteen labo jeer, una gudbiyeen cabashooyinka dadweynaha balse waxaa uu intaa raaciyay in aan waxba laga qaban.

Boqorre oo ka hadlayey Cadaalad darida dalka ka jirta ayaa soo qaatay gabar 15 jir oo Iskuuley ah deegaankiisa laga afduubtay oo inta Middi lagu jeex jeexay, Cusmaan waxaa uu sheegay in dadkii falkaas geystay la soo qabtay, lana sii daayey. Gabadha waxaa dhalay nin Jiis ah sida uu Xildhibaanka Sheegay.

Xildhibaan Boqorre waxaa uu sheegay in shaqo badan oo ay guddigooda qaban lahaayeen ay cuuryaamiyeen is qabqabsiga Madaxda dowladda.

Xildhibaanka Cusmaan ayaa soo jeediyay in daacadnimo la helo si loo afjaro Musuqa iyo wax is daba marinta

Hiigsiga 2030-ama Global Goal ee xagga Nabadda iyo Cadaaladda waxaa ka mid ah:

  1. In hoos loo dhigo dagaalka iyo dilka
  2. In La dhameeyo Jil dilka iyo ka ganacsiga dadka.
  3. In kor loo qaado cadaaladda iyo Sinaanta.
  4. In Hantida la isu celiyo iyo in hoos loo dhigo falalka Dambiyada ah ee qorsheysan.
  5. In hoos loo dhigo Musuqa.
  6. In la xoojiyo Isla xisaabtanka..
  7. In dadka ay qeyb ka noqdaan dhismaha dalka.
  8. iyo qodobo kale

Goobjoog News.