U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Dad Dowladnimaa ka Maqan, Dadna Dano Gaar ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalka oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay inuu shaki weyn ka qabo hirgelinta nidaamka 4.5 iyo in dadka qaar sad bursi loo sameeyo.

Xildhibaanku ugu horreyn waxa uu ka dhawaajiyay go’aanadii shirka madasha, waxaanuu yiri:

“Go’aanka madasha waxa uu ahaa mid la sugayay, waxa kaliya oo la isku haystaana inta badan waxay ahayd hannaanka la doonayo sanadkan 2016 hay’adihii Dastuuriga ah, golihii shacabka, fulintii, iyo madaxtooyadii  in mar kale dib loogu soo xulo, wadiiqada ugu fiican ee markaas la isla wada gartay ee la isugu soo biyo shubtay 4.5 oo waligeed cadaalad darro salka ku haysay”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in 4.5 aan cadaalad lagu gaarin, laakiin aaney waxba ka qabin in nidaamkaas lagu sii dhaqmo maadaama hadda meel kale oo looga gudbaa aaney jirin, dadkii shalay dulmanaa iney haddana iska ogolaadaan hadayba dowlad helayaan waa wax ay ka mudan tahay.

Xildhibaanka ayaa waxa uu xusay in dad kasta ay wax gooni ah ka maqan yihiin, ” dad dowladnimaa ka maqan, dadna dano gaar ah, dad waxaa ka maqan sidii iyaga ay darajooyin iyo deeq xoolo ay uga eegan lahaayeen, waxa loo baahan yahay iney masiirka Soomaaliyeed oo dhan la doonayo iney iyagu xal u noqdaan”.

Xildhibaanku waxa uu walaac ka muujiyay in aan lagu dhaqmi doonin 4.5, “Dadkii nuska laga dhigay ma loo deyn doonaa nuskoodii oo iyaga ma loo madax banaaneysiin doonaa, qof kastaaba inta uu helo wixii lagu heshiiyay ma hirgeli doonaan? Ayuu is weydiiyay.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in adduunka la isku qiimeeyo tiro ama tayo, oo la yiraahdo dadku dhulka ay dagaan baaxadeedu intey le’egtahay, tayadooda iyo waxsoosaarkoodu muhiimad intee ay ayuu dalka u leeyahay, waxa uu sheegay in Soomaaliya taa wax ka duwan la isku qiimeeyo.

“4.5  ma kii aan ogeynbaa mise waji kasii qurux badan oo cadaalad ugu yaraan ninkii la yiri nus baad tahay nuskiisa lagu siin doono uu heli doono ayay noqoneysaa?!!” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Haddaan lagu dhaqmeyn wixii lagu heshiiya dastuur la dhowrayaan aanuu jiri, waxay noqoneysaa in dadka Soomaaliyeed wixii loo sheegaba ay ruwaayad iska noqoneyso.

“Wax kasta oo la gaaro waa soo dhaweynayaa, dowladnimo ayaan daneynayaa, haddii cadaalad bulsho lagu helayo waan soo dhaweynayaa wax kasta ha ahaato” ayuu hoosta ka xariiqay.

Ugu dambeyn 12.04.2016 ayaa shirka madasha madaxda Soomaalida oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa laga soo saaray go’aanno khuseeya hanaanka doorashada dalka oo la filayo in ay dhacdo Agosoto 2016.

Goobjoog News