U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa: Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Waa mid aan Ku Saleysnayn Nidaamka Wax Qeybsiga Beelaha ee 4.5

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in guddiga heer federaal ee doorashooyinka 2016; aanuu ku saleysan nidaamka wax qeybsiga ee 4.5.

Xildhibaanka ayaa waxa  uu xusay in cabasho ay ka imaneyso bulshadii ay u matalayeen golaha shacabka, taas oo ku aaddan guddiga doorashooyinka:

“Marka ugu horreysa wax kasta oo umadda dalka iyo dowladnimada dan u ah, mar waliba waxaan jeclahay inaan si niyadsami ah oo qaabiliyad leh aan niraahno waan soo dhaweynaynaa, wixii inooga aaddan ee shaqo geysanno waxaan ka mid ahay dadka diyaarka la ah, laakiin bulshada Soomaaliyeed marwaliba ayaa na hageysa, codkooda ayaa had iyo jeer noo ah midka aan ka tusaale qaadaneynno”.

“Waa la magacaabay siyaabihii iyo qaabkii loo magacaabay bulshaduna wey na weydiineysaa, wayna nagu adag tahay oo talo iyo tashi aan ku leenahay lama arag, 4.5 inuu ku saleysan yahay ma garan, wax khibrad leh in laga waayana nasiib darro ayay tahay, wixii Soomaali iney si wada jir ah uga dhex muuqdaan la rabay ee cadaaladda la rabay in meesha muraayadeedii laga dheehan karo doorashadii iyo inta aan la gaarinba, kuma dhisna mid beelaha Soomaaliyeed loo simay, aqoon yahanada Soomaaliyeed loo simay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanku waxa uu xusay iney cadaalad darradu aaney wanaagsaneyn, waxaanuu sheegay in dadka Soomaaliyeed haddii wax loo qeybinayo inta ay doontaba ha la’ekaatee qof kasta inta uu xaqa uu leeyahay in laga siiyo, dad in meel gooni ah la taago dad kalena la yiraahdo wax kasta qaata, dhibkeeda ayay leedahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u magacaabay guddiga doorashooyinka heer federaal kuwaas oo ka koobnaa 22 xubnood 30 Juun 2016, guddigaas oo looga fadhiyo iney hagaan guud ahaan doorashada dalka iyo habsami u socodkeeda.

Goobjoog News