U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Kenya Iyaduba Dan Weyn Ayeey Nagu Qabtaa”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga arimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dan weyn ku qabto shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka oo u waramayay Barnaamijka MAXAA LAGU HESHIIYAY ee Goobjoog News ayuu ka hadlay arimo badan oo ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed, sida loo soo celin karo iyo sidoo kale hadalada kasoo yeera inta badan dowladda Kenya.

Ugu horeen waxa uu sheegay in ka guddi ahaan aysan wax badan kala socon heshiisyada dhanka qaxootiga ah ee dowladda Federaalka, Kenya iyo Qaramada Midoobay u dhaxeeyay, waxaana uu sheegay in wasaaradda arimaha dibadda aysan arimahaasi waxba kala socodsiin ka guddi ahaan.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Kenya mar walba ay ku fikirto shacabka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah dalkeeda in ay soo celiso, balse uu sheegay in iyaga xitaa ay dan weyn ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Kenya iyaduba dan weyn ayeey nagu qabtaa, marka ay leeyihiin waxaan soo celinaynaa dad kaligii cid ka yeelayso malahan, sababtoo ah daaraha Nairobi ku yaalla gaar ahaan Islii Soomaali ayaa leh, hanti badan ayaa halkaasi naga taalla, ganacsi weyn bay nagu qabaan, marka dad, hanti iyo dhul intaba wey maqanyihiin, lama yeelayo dad qalalan hala keeno” ayuu yiri Dalxa.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay faa’idooyinka kale ee dowladda Kenya ay ku qabto dadka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ah shaqooyin badan oo uu sheegay in magaca Soomaaliya loogu tala galay hadana dalkooda lagu qabto.

“Marka ay ugu yartahay dalalka dibadaha u soconno waxaan fiisaha ka qaadannaa safaaradaha dalalkaasi ay ku leeyihiin Kenya, waxaan dhihi karnaa ma rabno, hay’ado Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan loogu tala galay ayaa xafiisyo waaweyn dalkaasi ku leh, waan diidi karnaa anaga” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Dalxa.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu hanjabtay in si qasab ah ay ku rarai doonto qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku sugan, taasi oo hadal hayn badan keentay.

Goobjoog News