U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay maamulka gobolka Banaadir.

Xildhibaanka oo ka hadlay habka loo raaco awood qeybsiga xilka dawladeed ayaa yiri; “qaaciddo la raacayo oo ay ku dhisan tahay lama yaqaanno, deegaan kuma dhisna, tiro dad kuma dhisna, tayo kuma dhisna, waa ninka aad rabto u buuxi, ninka aad rabtidna ka daadi, khaatumadii ayaa lagu jiraaye, nin walba adiga dadkaagii waxbaad u qabatay ha lagu yiraahdee waxaad rabto iska magacow”.

” gobolka Banaadir wuu ka soo daray oo reer dhan oo beel Soomaaliyeed ah oo hal qof ku lahayd halkii laga qaaday, hal kale oo qaraabadiisa ah ama xididkiisa ah uu meesha soo galinayo, iyadoo la rabay caasimaddii umadda Soomaaliyeed ee loo wada dhamaa khayraadkeeda dhismaheeda, dadkeeda iyo dadaal keeda, sida degmada Xamar jajab ka dhacday oo kale”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Xilka iyo sida lagu magacaabo ayuu ku sheegay “wax lala dhuumanayo oo meel lala galayo kadibna aad idaacadaha un ka maqleysid, dadbaa la magacaabay, dadbaa la dallacsiiyay oo wax lagu saleynayo aan la arkeyn, baarlamaankuna si uu ku koontaroolo ma yaqaan”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “mar xildhibaan Soomaaliyeed ayaan nahay marna xildhibaan deegaaneed ayaan nahay, dad gobolka banaadir oo dhan meel uga qorsheysnaa, halkii ayaa waxaad arkeysaa goor loo soo gurguurtay aadan garaneyn, oo la keensaday beel kale oo la leeyahay kanaa na anfacaya anaga”.

xildhibaanka ayaa waxa uu carrabka ku dhuftay degmada Xamar jajab oo yiri, hadii la yiraahdo hala soo banaanbaxo, hadii la yiraahdo iskaa wax u qabso, hadii la yiraahdo canshuur ayaa la iska uruurinayaa umadda ugu badan, ayaa hal qof oo ay ku lahaayeen laga casilay, marka taa macneheedu maxay tahay?, arrinkaana waxaa sameeyay ayuu yiri, maamulka Banaadir, ama haloo hoos galiya ama ha u bareero.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa sheegay iney arrinkaa hor dhigeen maamulka Gobolka Banaadir, laakiin ay u sheegeen in beesha shanaad la siiyay maamulka degmada, waxa uu yiri, wax beeshanaad la yiraahdo miyaa jira, nin walbaaba meel ayuu dagaa, waxa uu is weydiiyay sababta dadna waxay rabaan loo siiyay, dadna sidii kubaddii oo kale loogu ciyaaro.

Goobjoog News