Waxaa goordhaw Xildhibaan Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan loo magacaabay in uu noqdo wasiirka gashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa horay waxaa uu November 2016-kii uga mid noqday Xildhibaan Beesha Luwaay ee golaha shacabka federaalka ah, waxaa uu xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka ahaa wasiirka Tamarta iyo Biyaha.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa 2011-kii loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, jagadaasi uu hayey wax ka badan 5 sano.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Cabdullaahi ayaa is casilay October 12, 2017-kii, 2 maalmood ka hor qaraxii Zoobe.
Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Xasan Khayre ayaan xilka ka qaaday Wasiirka Diinta & Awqaafta Mudane Iiman Cabdullahi Cali waxaana sii heynaya Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdihakim Xassan Ibrahim Ashkir.
Goobjoog News