U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhuux: Dad Khibrad Leh Ha Hoggaamiyeen Hay’adaha Amniga

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan dowladda federaalka ayaa ku baaqay in dad khibrad u leh ammaanka loo dhiibo hay’adaha amniga si ay dowladda uga guuleysto Xarakada Al-shabaab.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay in habacsanaan ka jirta ammaanka ay ugu wacan yihiin falalka ammaan xumo ee ka dhacaya magaalada Muqdisho oo qaraxii ugu dambeeyay uu ka dhacay iridda hore ee Madaxtooyada Soomaaliya.

“Qaraxyada Muqdisho waxay u dhacayaan aqoon darro weeye, saraakiishii dowladda ee muddada shaqeynayay waa in la kaashado, maxaa yeelay aqoon darrada heysata ciidamada iyo hoggaamiyeyaashooda ayaa sabab u ah qaraxyada, dowladdu waa in shacabka ay xiriir la sameysaa si xogta loo helo islamarkiiba” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux ayaa sheegay in baabuurta lagu fuliyay qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho aan lagu soo sameynin duleedka magaalada hase yeeshee gudaha magaalada baabuurtaasi lagu farsameeyo, taasna ay eeddeeda qaadanayaan masuuliyiinta dowladda.

“Annaga dhagxaan ayaan difaac ka dhiganay sidaas ma ahan si sax ah, dad aan aqoon u lahayn ciidanimada ayaa waddooyinka taagan sidaas looma baahna” ayuu yiri xildhibaan Dhuux.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in dib loogu laabto aqoonta si looga hortago weerarrada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Goobjoog News