U bood dhigaalka

Xildhibaan Eedaymo Dhanka Doorashooyinka ah Usoo Jeediyay Wasiirka Amniga Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa eedeymo dhanka doorashooyinka ah  u soo jeediyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar.

Xildhibaanka ayaa wasiirka ku eedeeyay inuu farogalin ku hayo howlaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer fadaraal;

“Maalmahan waxaa socda doorashooyinkii aqalka sare iyo aqalka hoose, waxaan dareemaynay dowladda qaar ka mid ah iney farogalin ku hayaan guddiga doorashooyinka saameyn iney ku yeeshaan ama waxyaabo farabadan oo aan loo baahneyn ay ka dhex qabtaan gudaha dhexdiisa, iyagoo is ticmaalayo magacii dowladnimo iyo magacii wasiirnimo, waxaan si kulul u eedeeyneynaa anigoo ah xildhibaan Xanafi wasiirka amniga qaranka oo baryahan dambe ku mashquulsan sidii uu culeys u saari lahaa guddiga doorashooyinka, waxyaabo farabadan ayaa naga soo gaaray illaa iyo hadda, waxay ku mashquulsan yihiin xildhibaanada murashixiinta ah; gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan sidii ay u gudbiyaan Dekomintigooda guddiga heer qaran”.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu wasiirku murashax yahay, macluumaad khaldanna uu u tabiyo guddiga;

“Wasiirku waa murashax xidhibaan, isagoo xilkii haya ayuu rabaa inuu murashax xildhibaan raadiyo, sidaas awgeed ayuu saameyn ku yeelanayaa guddiga, markaa waxaan rajeynaynaa in guddiga heer qaran iyo heer federaalba ay si fiican arrintaa uga fogaadaan musuqmaasuqa iyo macluumaadka khaldan oo guddiga u keenayo wasiirka”.

Dhanka kale, Wasiir Cabdirisaaq Cumar oo aan xiriir la sameynay si uu iskaga difaaco eedeymahan loosoo jeediyay ayay noo suurtogali wayday inaan wax jawaab ah ka helno.

Doorashooyinka dalka ayaa si habsami leh uga socda gobollada dalka iyadoo 8 xubnood ee ugu horreysay aqalka sare ee baarlamaanka federaalka laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug.

 Goobjoog News