U bood dhigaalka

Xildhibaan Farxiya Xasan: Kursiga Aan Ku Fadhiyo Weli Badhaadhe Ayuu Yaal Ee joojiya Been-abuurka.

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Farxiya Xasan Axmed oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee kasoo galay Jubbaland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay iska fogeysay jiritaanka wararka sheegaya in kursiga ay xildhibaanka ugu tahay reerkeeda ee yaallay Badhaadhe, Jubbada hoose la wareejiyey Deegaan Doorashadiisa loona geeyey Baardheere.

Xildhibaanka waxaa ay leedahay kursiga degmo ayaa leh, reer ayaa leh, matalaaddii degmada Badhaadhe waaye, waxay intaa raacisay kursiga ma aha shaati ama guri uu qof leeyahay ee meesha uu rabo u guurayo iyada oo xaqiijisay in weli uu yaallo Badhaadhe, isla markaana ka digtay in laga been abuurto.

Naga dhageysta codka xildhibaan Farxiya Xasan Axmed oo arrinkan ka hadleysa

Goobjoog News