U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi “Xal Ayaa Laga Gaaray Dhacdadii Gaalkacyo” (Dhageyso)

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee loo xil saaray dhacdadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey halka ay haatan wax u marayaan.

Fiqi ayaa sheegay in ay xog wareysteen dhinacyadii dhibka loo geystay iyo kuwii lagu tuhmayey iney dhibka geysteen, isaga oo tilmaamay iney soo gabagabeeyeen wadahadallo maalmo badan socday, xalna laga gaaray.

Dhibkii halkaasi ka dhacay ayuu sheegay xildhibaan fiqi in is faham laga gaaray, isaga oo tilmaamay in la isla gartay in laga xaalo dhibka dhacay iyo dadka deggan Gaalkacyo ee kasoo jeeda gobollada kale ay si xor u shaqeystaan oo aanay ciriiri dareemin.

Xildhibaan Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in weli ay harsan yihiin wadahadallo kale oo Labada dhinac si toos ah ugu abbaarayaan dhammeynta wixii dhacay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News