U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodax Oo Sharaxay Labo Qodob Oo Kasoo Dhex Muuqan Doona Sharciga Lagu Mamnuucayo Ku Xadgudubka Xuduudaha Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo wareysi siinayay Goobjoog News, waxa uu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sharciga ay soo sameynayaan guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan mamnuucista ku xadgudubka xuduudaha dalka.

Ugu horeen waxa uu xildhibaanka sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay horay u yareesatay islamarkaana aanay waxba uga qaban qaraar uu soo saaray baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

“Baarlamaanka horay ayuu qaraar uga soo saaray arrintan, kaasi oo uu lagu doonayay in xukuumadda u lagu tusaaleeyo tallaabooyinka haboon ee darbiga la dhisayo inay ka qaadato tahay, waxaa muuqatay in xukuumadda ay waqti u weysay ama aysan daneynin in qaraarkaasi tixgeliso, marka qaraarku sidiisaba xukuumadda amar kuma ahan, fulin qasab ah kuma ahan, laakiin waa in baarlamaanku qaraarkiisa la tixgeliyaa oo xukuumaddii iyo baarlamaankii ay wada shaqeyn fiican leeyihiin, taasi ma dhicin, marka in sharci loo bedalo xukuumadda xakameynayo inay ku dhaqmaan tahay waajib ku noqoneyso, marka taas ayaa keentay in qaraarkii lasoo jeediyay loo bedalo sharci”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in sharcigaan soo socda Laba qodob ugu muhiimsan tahay, kuwaasi oo kala ah in mamnuuc ay tahay in dowladaha deriska lala galo heshiis ku saabsan xuduudaha iyo badda inta laga helayo baarlamaanka ay shacabka soo doortaan oo ku yimaada qof iyo cod.

“Waxaa la sameyn doonaa sharci, Laba qodob oo muhiim ah ayaa la rabaa inay ka dhex muuqdaan, midka Koowaad ayaa ah in la xaareentimeeyo inta baarlamaan Hal cod iyo Hal qof lagu soo doortay uu meel mari doono in la diido in xukuumad Soomaaliyeed ay wax heshiis ah la gasho Labada dowladooda ee deriska ah, la xiriira arrimaha xuduudaha iyo badda, marka qodobka Labaad ayaa noqonaya ciddii taasi jebiso oo heshiis la gasho in loo arko inay yihiin dad qaran dumis ah” ayuu yiri Xildhibaan Goodax

Sidoo kale xildhibaanka ayaa yiri “Baarlamaanku waa sharci dejiye, marka sharcigaan waxbaa lagu saxayaa sidiisaba, sharci la’iska sameeyo ma jiro, tan waxaa lagu saxayaa in xukuumaddu inay sharciyadda iyo heshiisyada ay iskala galayaan oo gadaal wadanka ugu soo noqonaya in aan mamnuucno inta xukuumad baarlamaankeedu lagu soo doortay Hal cod iyo Hal qof laga gaarayo, marka aad ayeey u saxan tahay, 48 saac ka dib ayaa sharcigaasi la horkeeni doonaa baarlamaanka sharcigaan”

“Sharci marka la sameynayo waxa uu yeelanayaa qodobo hago meelaha muhiimka ah oo sharciga taabanayo, laakiin sida aan is leeyahay iyadoo guddiga uu kasoo shaqeyn doono qodobada muhiimka ah ay tahay inay kasoo dhex muuqdaan waxa weeye in la mamnuuco in heshiis ku saabsan xuduudda iyo badda lala galo dowladaha deriska iyo in hadii la jabiyo kaasi dadkii jabiyay loo aqoosnado inay yihiin Qaran dumis”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo 48 saacadood ah u qabtay guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha inay kusoo sameeyaan sharci lagu mamnuucayo ku xadgudubka xuduudaha dalka sida Badda, Bariga iyo Hawada.

Goobjoog News