U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Xuseen Gaagaale “Ciidamada Dowladda Ayaa Si Xun Ii Jir Dilay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xuseen Maxamed Gaagaale oo horey xildhibaan uga noqday dalka, Goobjoog News-na la soo xiriiray ayaa sheegay inuu ciidamo dowladda ka tirsan uu kala kulamay Jirdil magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn sida ay wax u dheceen ka waramay:

” Waxaan rabay dhacdo xalay igu dhacday inaan u sheego idaacadaha iyo shacabka Soomaaliyeedba oo aan rabo inaan la wadaago, dhacdadan ayaa ahayd inagoo rag odayaal ah oo xildhibaanno hore iyo dadkale meel ku shireyna oo rabna inaan ku afurno, ayaa waxaa noo yimid ciidan uu soo diray taliye ku xigeenka Booliska  Jenraal Mukhtaar, waxay nagu yiraahdeen meesha ka kala taga, waxaan niri waayahay waan ka kala tageynaa”.

“Markii aan soo dagay aniga shakhsiyan oo xaafadii kasoo daadagay oo aan mugdiga u soo baxay ayaa ciidankii iga daba yimid waxay i yiraahdeen gaarigan raac, waan diiday anigoo shaki qabay, oo baryahan arkayay in warqado badan la ii soo diray oo ah waa lugu dilayaa la ileeyahay, markaa waxaan is iri ha ogolaan in lagu afduubo, waan diiday dhinacyada ayaa la iga maray waa la i garaacay runtii qori ayaa la igu garaacay, markii aan suuxay oo dhulka dhacay ayaa dadkii meesha joogay isku soo baxeen”.

“Dadkii ayaa ciidamadii ka codsaday in la i qaado, way ii ogolaadeen, waxaan iri gurigeyga ha la i geeyo, gurigaana la i keeney marka waxaan rabay inaan la wadaago shacabka in dadka wax dilaya ee wax khaarajinaya iney dowladda qeyb ka tahay oo aaney ahayn Shabaab oo kaliya” ayuu yiri xildhibaan hore Gaagaale.

Goobjoog News ayaa isku dayday iney xiriir la sameyso qeybtii kale ee xildhibaanku eedeeynta u soo jeediyay iyo ciidamadii uu sida gaarka ah uga cabaney laakii wax jawaab ah kamaanan helin.

Goobjoog News