Xildhibaan Hore Oo Sheegay In DFS Daacad Ka Ahayn Dhammeystirka Dastuurka Qabyada Ah
Sheeko:Dalka

Daahir C/qaadir Muuse Ciiro oo ka mid ah xildhibaannadii hore ee baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo aanay daacad ka ahayn dhammeystirka dastuurka qabyada ah ee dalka u yaalla.
Wuxuu sheegay Ciiro in mudanayaasha aqalka sare ku matela Puntland hadalladii ay ka sheegeen Garoowe ahayd mid sax ah, islamarkaana dalka uu xaalad adag galay, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale, wuxuu sheegay Ciirro in dowladda aanay dooneyn iney dhaqaajiso Dastuurka, taasina ay tahay ayaan darro aad u weyn.
Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:
Goobjoog News