U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore oo Soo Jeediyay inaan Loo Hakan Cabashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan hore Maxamed Maxamuud Faarax Indhabuur oo ka tirsanaa baarlamaanadii dalka Soomaray, weysi gaar ahna siiyay Goobjoog News ayaa ka soo horjeestay in kuraasta aqalka sare loo xanibo dadka diiddan iney ka qeybqaataan doorashada.

Xildhibaan Maxamed oo ka mid ah murashixiinta aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka doonayasa iney u tartamaan kuna sugan magaalada Garoowe ayaa waxa uu leeyahay suurtogal maaha in aqalka sare gobollada waqooyi dadka ka soo jeeda loo xanibo, isagoo xusay inuu ka soo jeedo gobollada Sool iyo Sanaag  diyaarna u yahay iney wax la qeybsadaan Soomaalida inteeda kale.

Xildhibaanka ayaa sheegay in marba si wax loo qeybsan jiray, maantana lagu wada khasban yahay go’aanka golaha madasha ay ka soo saareen qeybisga aqalka sare;

“Dadka Soomaaliyeed marba sibaa wax lagu qeybsanayay, illaa Carta intii ka dambeysay dowladdii milatariga ahaydna qeybaha 4.5 ayay ku fadhiday, hadana mar la yiraahdo  hoggaamiyeyaal  iyo mar la yiraahdo saxeexayaal iyo marba meel ayey soo fadhiday, maanta waxay fadhidaa in la yiraahdo madasha wixii ay jaangoysay baa shaqeynaya, 18-kii gobol oo min sadex ah ayaa lagu saleeyay xubnaha 54 ka ah, hadana kama madhna in 4.5 ay ku qeybsan tahay”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dadka cabanaya ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ay yihiin dad gaar ah oo aaney arrintaa ka wada sinneyn;

“Dadka waqooyi ka hadlaya ee leh waxbaanu u doodeynaa beel weeye la yiraahdo Dir waqooyi iyagaana sheegtay magacaa waana magacooga saxda ah anaguna waqooyi baanu nahay Harti waqooyi weeyaan magacayagu sidaas baana loo kala dhigay, qeybta ay iyagu leeyihiin oo ay u doodayaan, tii markii hore loo badiyay oo la siiyayna waadiideen, tii haddeer ee la yiri 54-ta ayay ku fadhidaana way diideen, markey yiraahdaan annagaa waqooyi ah, annaga waxa-yagii xagey jiraan? Markay leeyihiin Isaaq iyo Ciise iyo Gadabuursi waa isku qolo oo waanu is doonaneynaa oo  dir waqooyi baanu nahay, maxaa anaga noo diiday dadka Garoowe jooga iyo Gaalkacayo inaan isku qolo nahay oo aan wax la qaadanno oo aan wax la qeybsanno”.

Waxa uu xildhibaan indhabuur ku eedeeyay xubanaha gobllada waqooyi qaarkood iney doonayaan ammar ku taagleyn iney kula dhaqmaan gobollo kale;

“Iyagaa diiday in 18 gobol wax lagu qaato, iyagaa diiday in 4.5 wax lagu qaato iyagaa doonaya iney wax cusub u jeexaan; laakiin iyagoo dadka Soomaaliyeed la siman oo 4.5 wax lagu qeybsaday oo beel ka mid ah ay yihiin oo waliba dirtii Konfureed ka maqan tahay oo dirtii waqooyi ay yihiin, ayaa waxay rabaan iney ku amar ku taagleeyaan gobollo kale oo dad kale ay leeyihiin oo iyaga la hayb ahayn, waa naga xishoon waanyeen, inaan anagu runta u sheegno oo Garoowe iyo Gaalkacayo aan wax la qeybsanno cid noo diidaysaa ma jirto”.

Waxa uu caddeeyay in isagoo ka soo jeeda gobollada waqooyi hadana uu doontay kursigii ka yallay Garoowe ahlkaana uu ka tartami doono;

“Kursigeygii Garoowe ayuu yaalla iyadaan dhex fadhiyaa iyadaan ka soo qaadanayaa, haddii ay diidaan iney waxooda qaataan anagoo Harti waqooyi ah ayaanu waxeenna qaadaneynaa”.

Siyaasiyiin ka soo jeeda oo uu ku jiro ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho maalmo ka hor ayaa ku celiyay inaaney ka qeybqaadan doonin hannaanka doorasho ee 2016 illaa inta laga xallinayo cabashooyinka aqalka sare ee ay qabaan.

Goobjoog News