U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow “Dabageed Si Nabad Ah Xilka Haku Wareejiyo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay xaaladda gobolka Hiiraan, oo maalmahan dambe aad u kacsan.

Jeesow ayaa ugu horreyn wuxuu ka tacsiyeeyey geerida taliyahii ciidanka Booliiska ee qeybta gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in arrintaasi wax laga xumaado ay tahay.

Dhanka kale, xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in guddoomiyahii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed looga baahan yahay inuu si nabad ah xilka ku wareejiyo.

“Guddoomiye Yuusuf marar badan ayaa xilkaan loo magacaabay waana laga qaadayey, marka in ay arrin culus hadda ku noqoto oo dhibaato ay ka dhalato arrin aan filaayey ma ahan, waxaan codsanayaa in xiisadda la dejiyo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir.

Sidoo kale, xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay iney safar ku tagaan Hirshabelle oo ay la kulmaan madaxweyne Waare iyo guddoomiye Yuusuf.

Dabageed ayaa iska diidey xil ka qaadistii lagu sameeyey, isaga oo sheegay in waddo sharci ah aan loo soo marin xil ka qaadistiisii.

Goobjoog News