U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Deyriyey Xaaladda Nololeed Ee Shacabka Ku Dhaqan Degmada Xudur

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in booqasho uu ku tagay degmada Xudur ee gobolka Bakool kusoo arkay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taasi oo haysata shacabka ku nool degmadaasi.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in shacabka ku nool degmadaasi aanay haysan adeegyada muhiimka u ah nolosha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay iney burbursan yihiin xarumihii caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale saldhiggii booliiska ee degmadaasi.

“Nabadgalyo ahaan wey wanaagsan tahay, dhankii waxbarashada waa eber marka loo eego gobollada kale, caafimaadka waa eber, dhaqaatiir wanaagsan wey joogaan laakiinse ma haystaan dawo, qalab iyo kaalmo, saldhiggii ku yaallay degmada wuu burbursan yahay, wuxuu ku dumay dadkii maxaabiista ahaa ee meesha ku jiray, sidoo kale shacabka waxyaabo badan oo noloshooda muhiim u ah ma haystaan, dowladdii dhexe wey ilowday, hay’ado samofal ah maleh, dhibaatooyin badan oo Bini’aadannimo ah ayaa jirta” ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn, xildhibaan Idiris ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka K/galbeed in ay ka gaabiyeen wax u qabashada shacabka ku dhaqan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Goobjoog News