U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Baaralamanka Federaalka Soomaaliya oo Rajo Beel ka Muujiyay Go’aanada Qaar ee Laga Fili karo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran  

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay waxa laga fili karo shirka golaha madasha wadatashiga ee Muqdisho ka socda, isagoo xildhibaanku rajo beel ka muujiyay in magaalada Muqdisho ay qeyb ka helayso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay qodobada la filayo iney ka wadahadlaan golaha madasha wadatashiga qaran:

“Waxaan u maleynayaa wixii siyaasad ahaa horey ayay go’aan uga soo gaareen, waxa hadda u harsan waxa weeyaan iney ka tashanayaan fulintii, wakhtigii aadbuu u soo dhawaaday, si kastaba ha ahaatee, hadda iyagaa laga rabaa iney jadwalkii dhigaan qaabka ay wax u sameysmayaan”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Arrinta Muqdisho wey ku jirtaa oo wey ka muuqatay warqaddii Madaxweynuhu uu soo saaray, waxaa dhici karta arrintaa haddii aan wadahadal hoose oo hore aanuu jirin arrintaasi iney dowlad goboleedyada qaar ku adkaato ayaa dhici karta, laakiin in horey looga soo wadahadlay way dhici kartaa, wakhti uma hayaan xilli hadda go’aanno noocaa oo kale ah laga doodo, wakhtiga ay haystaan waxa uu qaadi karaa qaabkii loo fulin lahaa doorashda iyo in guddiyadii loo saaro, oo markaa wixii ka dambeeya loo dhaafo dadkii loo xilsaaray”.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay in magaalada Muqdisho haddii ay noqoto in kuraas la siiyo ay khasab noqoneyso in dhamaan beelaha oo dhan ay qeyb ka noqdaan, waxaanuu sheegay haddii aqalka sare beel lagu qeybsado ay xaaladdu ka sahlanaan doonto.

Xildhibaan Shariif waxa uu rajabeel ka muujiyay in qeybsiga kuraasta aqalka sare lagu soo daro magaalada Muqdisho, haddii aan horey la iskula soo afgaran hadda uma suurogaleyso iney sidaa sameeyaan, ayuu yiri, waxaanuu sheegay in sababtu tahay dowlad goboleedyada qaar oo aan ogoleyn in qeybisga aqalka sare dib loogu noqodo oo dib loo qeybiyo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii shalay si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shirkii madsha wadatashiga qaran, kaas oo la filayo in looga wadahadlo qodobbo farsamo iyo qorshaynta wakhtigii doorashada oo hadda ay naga xigto muddo aad u kooban.

Goobjoog News