U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay In Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Ay Afgambiyeen Awooddii Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa farta ku fiiqay in la fili karo madaxda dowlad goboleedyada dalka iney afgambiyeen awooddii baarlamaanka dalka.

Xildhibaanka oo aan la yeelanay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaa ka hadlay golaha madasha qaran iyo sida ay awooddii baarlamaanka federaalka u wiiqeen:

“Hoggaamiyaashu hadda waxay la wareegeen ama ay afgambiyeen baarlamaankii awooddiisa  ayay la wareegeen sida magacooda ka muuqata hogaanka qaranka ayaa la yiri, hoggaanka qaranka waxaan u naqaanay madaxweyne, Ra’iisul wasaare iyo baarlamaan ayaan u garaneynay, hoggaankii qaranka sidaas ayuu noqday”.

Xildhibaanka ayaa xusay in ay muuqato in madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ay isku diyaarinayaan qabashada xilka Villa Soomaaliya, marka loo eego dadaalka dheeriga ah oo ay bixinayaan:

“Mararka qaarkood waxaan isdhihi karaa in madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ma waxay rabaan iney Villa Soomaaliya yimaadaan oo ay u tartamaan miyay rabaan August ama September markii la gaaro, oo arrinta waxaa la iskugu dhabar jabinayo iney sidaa tahay waa la is dhihi karaa, kolley arrimo badan baa soo bixi doona marka uu wakhtigu soo dhawaado, waa la ogyahay in madaxtooyada hadda joogtaa iney tartan galeyso iyo dad badan oo bannaanka jooga, laakiin dowlad goboleedyada yaa og in qaarkood ay koofi u soo gashan doonaan iyo garabaati Villa Soomaaliya si ay ugu tartamaan”.

Si kastaba, waxay waxwalbaa kala caddaan doonaan marka ay soo dhawaato doorashada madaxtooyada Soomaaliya ee baarlamaanka 10aad  lagu dhawaaqo, iyadoo la ogyahay in qof kastaa oo muwaadin ahi xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.

Goobjoog News