U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Shirkadaha Caymiska Ee Ka Jira Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo ka tirsan guddiga baarlamaanka ee gaadiidka, tamarta, howlaha guud iyo garoomada oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in caymiska dalka ka jiraa ee shirkadaha gaarka loo leeyahay aaney ku dhisneyn wax sharci ah isla markaana loo baahan yahay in dadweynuhu ay ka feejignaadaan, isla markaana aaney jirin cid ku khasbi karta iney caymis yeeshaan.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Shirkaddii Caymsika Qaranka ee Dowalddii hore waxay lahayd hay’ad u qeybsaneyd bixinta adeegyada Caymiska, ha  noqoto mid gaadiid, mid caafimaad, ama ha noqoto adeeg kasta oo ceymis ah oo qofka bani’aadamka ah u baahan yahay, shirkaddaasi waxay ku dhisantay sharci illaa iyo hadda buugta ku qoran oo sharci 68 oo soo baxay sanadkii 1973, sharcigaas ayay ku dhisneyd, adeeg kasta oo ceymis ahna iyada ayaa qaban jirtay, shirkaddaasi marka ay meesha ka baxday 1991-kii ceymiskiina meesha wuu ka baxay, shirkaddu waxay lahayd hanti, dhul dhisan iyo mid aan dhisneyn, Bankiyada adduunka oo ay lacagi u taallo, hanti badan oo ay lahayd ayaa jirtay”.

Xukuumaddii ugu horreysay ee Ra’isul wasaare Saacid ayaa isku dayday iney arrintaa isku mashquuliso, waxaana loo xilsaaray wasiiirkii maaliyadda ee xilligaas ‘Cawil’ inuu arrinkaa daraasad ku sameeyo, waxaanuu wasiirku kaashaday shaqaalihii hore ee caymiska oo weli jooga waddanka, guddi baa la sameeyay la rabay iney daraasad kusoo sameeyaan ceymiskaas iyo heerka uu marayo, guddigaas warbixintoodii illaa iyo hadda lama hayo ayuu yiri xildhibaan Cali Nuur, waxa uuna sheegay iney aad u raadiyeen.

“Annagoo sugayna golaha wasiiradu iney go’aan kasoo saaraan in shirkaddii hore ee caymiska la howlgaliyo ama in la baabi’iyo oo shirkado gaar loo leeyahay la sameeyo, ayaa waxaan arkaynaa shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood ka diiwaan gashan yihiin waddamada dariska ah sida; Kenya oo kale, iney waddankii soo galeen, adeegyo ceymisna ahna ay bixinayaan, waxaan argnaa xayaysiintooda iyagoo bixinayay adeegyo dadkana u sheegaya iney ka soo dalbadaan adeegyada ay bixinayaan, shirkadahaasi wax sharci ah ooy maanta ku dhisan yihiin ma jiraan” ayuu yiri xildhibaanku.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Shuruucdii hore ee dalka waxay si toos ah u farayeen, waxaa adeeg caymis bixin kara oo kaliya shirkadda ceymiska Qaranka, nasiib darro shirkaddii caymisku meesha wey ka baxday wax bedelayna ma aaney imanin, adeegyo ceymis oo loobaahan yahayna wey jirtaa, waxay ku qumaneyd shirkadaha adeegyada ceymiska ay bixiyaan inta aaney bilaaban adeegga iney baarlamaanka soo weydiistaan sharciyad, in hay’adaha u qaabilsan maaliyadda, sida wasaaradda maaliyadda ay weydiistaan bankiga dhexe iney weydiistaan iney hay’adaha caymiska bixin karaan, illaa hadda waxaan arkaa wax sharciyad ku dhisan maaha, haddii ay dalka ka baxaan ama ay diidaan iney bixiyaan adeegyadii ay ballanqaadaan ma jirto sharci lala tiigsanayo”.

Ugu danbeyn waxa uu shacabka usoo jeediyay “shacabka waxaan u sheegayaa adeegyadaa in loo baahan yahay waan ognahay, laakiin khasab maaha inaad ceymis qaadataan, cid idinku khasbi kartaana ma jirto, hay’ad dowladeed oo idinku khasbi kartaana ma jirto, haddii cid idinku khasbeysa aad aragtaan u keena dacwaddiinna guddiga gaadiidka baarlamaanka ama kan maaliyadda waxaanan ballanqaadaynaa inaan wax ka qabanno”

Goobjoog News