U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Ku Xiran Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ugu xiran  xarunta CID ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News isagoo xabsiga ku jira ayaa ka warbixiyay inaanuu ogeyn sababta dhabta ah ee loo xiray.

“Xabsiga CID ayaan ku xiranahay, waxaan u xiranahay koolleey ma aqaano, xildhibaan Galmudug ah anigoo ah, waxaa la ii adeegsaday qaab mishin ah oo la igu soo xiray xabsiga, maalintii Arbacada illaa iyo hadda ayaan xabsiga ku jiraa, qof shakhsi ah oo ka tirsan ciidamada booliska oo gaashaanle ah ayaa isoo eedeeyay sababtiisa ayaadna u xiran tahay ayaa la igu yiri”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Markaan iri, xildhibaan ayaan ahay, waxaan xaq u leeyahay in wixii la igu soo eedeeyay la ii sheego maxkamad aan wadatagno, haddii aan dambi yeeshana aan ka garbaxo, hadaanan dambi lahaynna in xabsi la igu haayo ma mudni”.

Xildhibaanka oo Lix habeen u hoyday xabsiga ayaa sheegay inaan la siin tixgelintii uu mudnaa:

“Tixgelin goonni ah oo la isiiyay ma jirto, waxaan la xiranahay dad Shabaabnimo ku eedeeysan iyo dadkale oo dilal loo haysto, dhibaato badan ayaan kala kulamay xabsiga”.

Xildhibaanka ayaa qiray inay naftiisu halis gashay markii la soo ka xaynayay iyadoo askartii soo qabanaysay loo sheegay inuu yahay qof khatar ah oo doonaya dad inuu dilo.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa la filayaa in maanta xabsiga laga sii daayo iyadoo Maamulka Galmudug ay ogaadeen xarigga xildhibaanka iyaguna ay hadda ku jiraan sidii xildhibaanka loo sii deyn lahaa.

Goobjoog News