U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Deefow Iyo Kabxanley Ee Hiiraan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xasan oo ka mid ah mudanaayasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyadii ku dagaallamay deegaanada Deefow iyo Kabxanley ee gobalka Hiiraan in ay nabadda qaataan oo dagaallada joojiyaan.

Xildhibaan Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog News in ay jireen guddiyo loo  xilsaaray sidii Dadku xal u gaari lahaayeen, lana doonayo in nabadda la wada qaato.

“Waa arin laga xumaado in Hiiraan ay colaad intaan ka socoto, waxaa dhici jirtay in degdeg wax walba lagu xaliyo, dadaalka hadda wuu socdaa, waxaana ka war hayay hadda in meeshii ugu dambeysay ay jirtay, gudiyana loo saaray in dagaallada la xaliyo” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay in ka mudanayaal ahaan, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Hiiraan ay xiriir la sameeyeen dhinacyadii dagaallamay, qorshahana ahaa in wada hadalka xilliga uu bilaaban lahaa la gudo galo.

Dagaallo ayaa kusoo laablaabtay deegaanada Deefow iyo Kabxanley ee gobalka Hiiraan, waxaana Baladweyne ka socda shir dib u heshiisiin ah, iyadoo guddiyo loo xilsaaray beelihii ku dagaallamay deegaanadaasi.

Goobjoog News