U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Lagu Joojiyo Dagaalka Deefoow

Sheeko:Baarlamaanka

xildhibaanMudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan in deg deg dagaalka lagu joojiyo.

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xilligaan aanay habooneen dhiigga dadka shacabka ah oo la daadiyo.

“Waan ka xunnahay dagaaladaan ka socda Deefoow, waxaan wadnaa dadaal walba oo dagaalada lagu joojinayo, dadka waa dad walaalo ah, waana in marka hore dagaalka la joogaa, dadkuna waa dad deris ah waana in la dhowraa wax walbo oo nabadda dhib ku ah” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhanka kale Xildhibaan Qoono ayaa ugu baaqay siyaasiinta iyo Waxgaradka ku dhaqan gobalka Hiiraan in ay u istaagaan sidii ay u kala dhex gali lahaayeen dhinaycadaan ku dagaalamaya Deefoow.

Deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, waxaa dhawaan dib uga bilawday dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana dagaaladaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News