U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Galmudug: Haddii Dadka iyo Dalka Wax loo Qaban waayo, Waa in Cid kale oo Wax Qaban karta la keeno

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Dr.Max’ed Cabdullaahi Cali oo ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlayay Goobjoog News ayaa sheegay in xildhibaanada barlamaanka Galmudug ay bilaabeen la xisaabtanka hay’adda maamulka taas oo uu sheegay in haddii dadka wax loo qaban waayo lagu bedelo cid kale oo wax qabaneysa.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay in Xukuumaddii la ansixiyey Actober 2015 oo ay ka soo wareegatay muddo 8 Bilood ah ku dhawaad aysan wax xafiis ah lahayn, wasaaradihii shaqaalo aysan lahayn, maamulkii aan sal-fadhiya aanuu lahayn, dowladiina aaney ku shaqeyn caasimaddii, meel ku meel gaar ah oo dowladii ay ku shaqeysana aaney jirin, si baahiyahaas oo dhan looga gudbo awoodda baarlamaanka loo soo celiyo, qodobka baahida kentay ayaa ka mid ah.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay la xisaabtanka wasiiradda iyo waxa ay soo kordhin karto maadaama aaney haysan xafiisyo iyo miisaaniyad toona, waxa uu yiri “Waxay soo kordhin kartaa wasiirka waxaa loo igmaday haykal dowladeed iyo wasaarad uu madaxda ka yahay, haddii dakii iyo dalkii aan wax loo qabneyn cid kale oo dadkii wax u qabaneysa waa in goobtii la keeno, dowladnimadu maaha dhaqaale ma jiro, waa in la dejiyo habkii loo abuuri lahaa iyo habkii miisaaniyadda loo heli lahaa iyo sistamkii dowladnimo sidii loo ilaalin lahaa in laga fakaro ayey u baahan tahay, haddii la dhaho miisaaniyad ma hayno dowladnimadii ayaan shaqeyneyn”.

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay xildhibaanku in fikirkooda u gaar yahay cid gadaal ka riixaysaana aaney jirin, isla markaana ay sii wadi doonaan la xisaabtanka xukuumadda dhamaan wasiirada Galmudugna ay hor imaan doonaan Baarlamaanka maamulka oo lala xisaabtami doono.

Goobjoog News