U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug oo Sharci Darro Ku Tilmaamay in Guddoomiyahoodu ku Dhawaaqo Fasax

Sheeko:Baarlamaanka

Maxamed Tahliil Biixi ‘Shariifka’ oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo aan wareysi gaar ah la yeelannay ayaa sharci darro ku tilmaamay faxa dhawaan uu ku dhawaaqay guddoomiye Cali Gacal Casayr oo muddo labo bilood ah fasaxay baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa sharci darada go’aanka guddoomiyaha u cuskaday mooshin guddoomiyaha ka yaallay baarlamaanka oo la rabo in guddoomiyuhu iska difaaco, fasaxanina u ekaanayo inuu yahay mid looga cararayo mooshinka laguna fashilinayo.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ka hadlay mooshinka iyo in la marsiiyay sifadii sharciga ahayd ee waafaqsaneyn xeer-hoosaadka, waxaanuu yiri:

“Mooshinka xildhibaanno ayaa ka keenay guddoomiyaha, guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ayaa fadhiyay, si sharciga waafaqsanna waxaa loogu dhiibay guddoomiye ku xigeenka koowaad, nin walba oo iyaga ka mid ahna waxaa la siiyay nuqul koobi ah, intaa marka ay dhacdayna guddoomiyuhu shirkii buu ka baxay, waxaa gacantiisa ku qabtay oo isla markaasna akhriyay guddoomiye ku xigeenka koowaad;  waana si dastuurka iyo xeer-hoosaadka golaha waafaqsan, waxa uuna xildhibaanada u cadeeyay inuu mooshinkii qabtay oo uu yahay mooshin sharci ah”.

Xildhibaanku waxa uu hadalkiisa sii raaciyay inaan mooshinka lagu degdegin in muddo ahna laga fakarayay, waxa uu yiri;

“Mar maaha oo Labo maaha oo Saddex maaha inta loo tagay oo loo nasteexeeyay  shaqada iyo waajibaadka sidii loo gudan lahaa lagala hadlay, rutii mooshinka ragga keenay kuma aaney degdegin, waxaan filayaa iney wakhti dheer siiyeen”.

Waxa uu xildhibaan Shariif ka hadlay wakhtiga fasaxa baarlamaanka ku soo beegmay inaanuu ahayn mid sharci ah, guddoomiyahana looga baahnaa inuu is ka difaaco mooshinka laga keenay;

“Guddoomiyuhu xilliga loo keenay mooshinka ka hor ma xirin baarlamaanka waxa uu ku dhawaaqay arrintaas markii laga keenay mooshinka, sharciyan marka mooshinka la keeno oo guddoomiye ku xigeenka koowaad uu aqbalo laga bilaabo saacaddaas muddo 10 cisho ah inta doodaasi ay socoto oo inuu is difaaco la rabo waxaa daadihinaya shir guddoonna ka ah baarlamaanka guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad, sidaa awgeed dhawaaqidda uu ku dhawaaqay hadda waxa ay muujineysaa calaamado mar fuleynimo ah, marna dambigii lagu soo eedeeyay ee ahaa waajibaadkiisa uusan gudan ama sharciga uusan ku dhaqmin amaba uusan aqoon ayay calaamad u tahay, waana arrin aan sharciga waafaqsaneyn taasi”.

24 bishan ayaa xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo gaarayay  34 xildhibaan ay mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen guddoomyaha baarlamaanka Cali Gacal Casayr, iyadoo waxyar ka dib mooshinkaa guddoomiyuhu ku dhawaaqay in kalfadhigga 2aad ee baarlamaanka Galmudug uu xiran yahay, bilowga sanadka dambe 2017 la isku soo noqon doono.

Goobjoog News