U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug oo Sheegay Inaan Lagu Degdegin Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Arwaax oo ka Tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Galmudu oo wareysi gaar ah siiyay goobjoog News ayaa sheegay in ayna habooneyn in lagu degdego sameynta maamulka Hiiraan, maadaama kuwii hore ee la sameeyay aaney si wanaagsan u taabbo qaadin.

Xildhibaanka oo aan la yeelanay waraysi dhinacyo badan taabanayaa, ayaa ugu horreyn ka hadlay walwalka uu ka qabo habsami u socodka shaqada doorashada 2016 iyo sida gaabiska ah ee wax loo wado.

“Runtii wakhtigu waa kooban yahay howshuna waa ballaaran tahay, waxaan u arkaa dowladda iyo madasha xilliga la isku yimaaddo unbaa shaqo la dareemaa iyo go’aamo socda, laakiin madal laga bilaabo illaa madasha kale laga gaaraayo ma aragno wax shaqo ah oo socda ama guddi umadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa meesha ay howli socoto. ummaddu waxay saluugsan tahay in dhowr qof gacanta loo galiyo masiirkii ummadda, waxay kale oo ay saluug ka qabtaa inaa wax shaqo ah socon, shaqadu waa ummadda masiirkeedii iyo mustaqbalkeedii waxayna u baahan tahay in xil weyn la iska saaro sidii wakhtigeeda loogu dhameystiri lahaa”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in baarlamaankii dhexe awoodiisii aanuu gacanta ugu jirin, wakhtigiina gabaabsi yahay:

“Waxaad ogtihiin in baarlamaankii dhexe awooddii laga qaaday oo wakhtigoodii hadda gabo gabo yahay, xukuumadda naftigeeda in hadda wakhtigeedii dhaw yahay, inaan habayaaraatee laga wadahadlin sharciyaddii ay dawladdu ku wada shaqeyn lahayd, dadku saluug badan ayay arrimahaa ka qabaan, waxaanse jeclaan lahaa in dadka mas’uuliyiinta ah ay xil iska saaraan”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ka hadlay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo uu yiri; ma haboona in lagu degdego;

“Marka ugu horreysa ee wax la dhisayo in laga fakaro, laakiin in la yiraahdo iyadoo aan boogtii iyo dareenkii shacabka la daweyn maamulbaan sameynaynaa macno ma sameynayso, maamulladii la sameeyay sida kan hadda aan joogno ee Galmudug, K.Galbeed, runtii isma lihi si dhab ah ayay u taabbo qaadeen, waxaan garanayaa hadda anaga kaayaga oo kaleeto dowladda maalintii la sameeyay baa noogu dambeysay, arrimihii dib u heshiisiinta, helitaankii Caasimadda, maalintii ayaa noogu dambeysay hadal hayntooda, wax tallaabo ah oo dambe kameysan qaadin, markaa haddii la rabo in magac un loo sameeyo labadaa gobol, waa suurtogal in sidaas la yeelo”.

Shirka madasha wadatashiga qaran ee 7dii bishan kusoo gabagabeeyay, lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xukuumadda lagu adkeeyay iney dhisaan maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhex inta ka horreysa doorashada soo aaddan 2016.

Goobjoog News