U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Guurtida Somaliland oo Ka Hadlay Sababta Ugu Weyn ee Keenta Shilalka Waddooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Nuur Sugaal oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo ka qaybqaatay dood uu golahaasi ka yeeshay Talaadadii shalay; siyaasadda arrimaha bulshada, ayaa si gaar ah uga hadlay sababta ugu weyn ee keenta shilalka waddooyinka.

Xildhibaanka ayaa si gaar ah xoogga u saaray inuu ka hadlo shilalka waddooyinka waxaanuu muujiyay in turuska hore ee gawaadhidu qeyb weyn ka qaadato waxyeelada xoogga leh ee ka dhalata shilalka.

“Shilalka gawaadhida dadweynaha aad ayay u soo farabateen, wax walbaa sabab bay leeyihiin qadarka lama hor istaagi karo oo waa wax dhacaya, haadka aan haysanaa waa midig baabuurta inoo socotaana waa bidix, mushkiladaha ugu weynina halkaas ayay ka dhacaan, arrintaasina waa arrin qaranka u taalla ama ineynu haadka ka dhigno midig ama aynu baabuurta joojinno”.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka arrimaha guduhu uu amar ku bixiyay in gawaadhida turuska hore laga jaro, si loo yareeyo khatarta baaxadda leh ee ka dhalata shilalka baabuurta, taa bedalkeedana gawadhidii ayaa la soo harey ayuu yiri; biro soo taagan oo aan iyaguna waxba reebayn, waxa uu ku baaqay in gawaadhida biraha noocaas ah leh gabi ahaanba la mamnuuco, booliska waddooyinkuna ay si gaar ah isha ugu hayaan.
Shilalka gawaadhida ayaa si aad ah ugu soo kordhaya Somaliland, iyadoo si gaar ah ay ugu daran tahay wadada dheer ee isku xirta Hargeysa iyo Barbara oo dad badan ay waxyeello ka soo gaarto.

Goobjoog News