U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Koonfur Galbeed oo ku Tilmaamay Heshiiskii Afgooye kii Ugu Wanaagsanaa ee Dhax mara Beelaha Colaaddu Dhextaallay Shebeelada Hoose

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xuseen Cali Macallin oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ku tilmaamay heshiiskii shalay ku dhexmaray degmada Afgooye beelihii colaaddu ka dhaxeysay, kii ugu wanaagsaa oo ay gaaraan beelahaas, mira dhalkiisana la filayo.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn waxa uu carrabka ku dhuftay cidda soo qaban qaabisay heshiiska lagu gaaray degmada Afgooye, waxa uu yiri; “waxaa soo qaban qaabiyay  wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed iyo xildhibaanno iyo wasiirro ka soo jeeda Deegaanka iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ee in muddo ah ku dagaalamayay Shabeelaha hoose”.

Heshiiskan ayuu ku sheegay mid daba socda mid hore u dhex maray beelaha ay colaaddu ka dhaxeysay Shabeelaha hoose, kaas oo qabsoomey bishii 28 Janaayo 2015, qodobbo badan oo aan dhaqan galin dib loogu eegayay, iyadoo la rabo qodobadii heshiiskii hore in dhamaantood la dhaqan galiyo.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isla afgartay ayaa waxa ugu weynaa; ayuu yiri, in ciidanka la kala qaado iyo isbaarooyinka, iyadoo lagu heshiiyay fulinta heshiiska si dhab ah loo dhaqan galiyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay qodobbo kale oo la rabo iney dhaqan galaan ay ka mid yihiin in la tago Marka iyo Baraawe, in waddooyinka la dhiso, qodobada harsan ee heshiiskii horena guud ahaan la dhaqan geliyo.

Waxa uu xusay in heshiiska dhaqan galintiisa ay u xulsaaran yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Konfur Galbeed, isagoo sheegay in si wada jir ah loo tagi doono dhamaan 8 Degmo oo uu ka kooban yahay gobolka Shabeelaha hoose, si nabadda loogu soo dabaalo dhamaan degaanadaas.

Xildhibaanka ayaa yiri ” heshiiskani waxa uu noqonayaa kii ugu wanaagsanaa ee gobolka Shabeelaha hoose ka dhaca, miro dhalkiisana waan sugeynaa”.

Xildhibaanka ayaa ammaaney kaalinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo uu sheegay in madaxweynuhu uu dalaal badan ku bixiyay sidii heshiiska loo meel marin lahaa, waxa uu Afgooye ku qabtay shirar dib u heshiisiin ah, waxa uu sheegay in madaxweynuha koonfur galbeed uu ka qeyb noqon doono socdaal nabadeed oo lagu tagi doono dhamaan degmooyinka shabeeha hoose.

Gobolka Shabeelaha hoose ayaa muddooyinkii dambe waxa uu ahaa mid uu ka jiray dagaal qabiileed ragaadiyay horumarka gobolka, shacabka maatida ahna u diiday nasasho iyo nabad.