U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Puntland oo ka hor yimid Qaadashada Nidaamka 4.5 Ee Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Burhaan Aadan ow Cabdi oo ka Tirsan baarlamanka Puntland oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka soo hor jeestay qaadashada  4.5 ee maamulka, isagoo ku hanjabay in baarlamaanka iyo shacabku ay ka jawaabi doonaan arrinkaas.

Xildhibaankan ayaa sheegay inuu ku hadlayo afka baarlamanka Puntland, waxa uu yiri, ma soo dhawaynayo qaadashada habka ay horay dowladda Soomaaliya  ku go’aamisay doorashada inay u dhacdo oo habka qabiil ku salaysan.

Xildhibaan Burhaan ayaa xusay inuusan go’aan xildhibaanada kaligiis aanuu dhiibi karin, laakiin arrintan ay u taallo 7 gole oo horay loogu xilsaaray inay dowladda Soomaaliya kala xaajoodaan diidmadii Puntland habka qabiilka ee 4.5.

Puntland ayaa waxay qaadatay 4.5 , arrintaa oo la waydiiyay xildhibaanka ayaa sheegay iney ka jawaabi doonaan heshiiskaas baarlamaanka Puntalad iyo Shacabka.

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal,waxaa xalay heshiis ku kala saxiixay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo ay ku xusneyd in Puntland ay qaadaneyso nidaamka doorashada ee 4.5, iyadoo taa bedelkeeda Putland loo ogolaanayo qodobbo ay miiska soo saareen oo ku saabsan, qaabka doorashada 2016, Aqalka Sare ee Baarlamaanka, tubta geeddi-socodka doorashooyinka 2020, damaanad qaadka heshiiska iyo hirgelintiisa, iyadoo Puntland waxyaabo farabadan oo ay ka shakisneyd laga qanciyay.

Si kastaba waxaan la ogeyn fal celinta rasmiga ah ee ay ka bixin doonaan baarlamaanka Puntlanad iyo shacabka, kadib ogolaashiyihii madaxweyne Gaas nidaamka doorashada ee 2016.

Goobjoog News