U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Trisan Baarlamaanka Puntland oo Soo Dhaweeyay War-Murtiyeedkii Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Faarax Jaamac Dhagacade oo ka tirsan baarlamaanka Puntland wareysi gaar ahna ay la yeelatay Goobjoog News ayaa soo dhaweeyay go’aamadii kasoo baxay shirka madasha Muqdisho ee dhawaan.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ku bilaabay hadalkiisa inuu soo dhaweynayo guud ahaan qodobadii kasoo baxay shirka madasha:

“War-murtiyeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ee dhowr iyo tobanka qodob ka kooban, kolley anigu ishaan mariyay waxaan u arkaa wax laga maarmi waayay, mar haddii ay heshiiyeen, xildhibaan ahaan waan soo dhaweynayaa”.

Xildhibaanka ayaa qiray iney jireen qodobo la isku mari la’aa oo xalkooda dib loo dhigay:

“Markii meesha la iskugu tagay waxyaabo badan ayaa la isku qabtay oo ay ku jirto maqaamka Muqdisho, inkastoo war-saxaafadeedka ay ku jirto guddi loo saaray maqaamka ay Muqdisho yeelaneyso, waxaa kaloo jiray waxyaabo badan oo aan bisleyn, waxaana loo ballamay shirka Baydhabo in lagu lafaguro, khilaaf jiray unbaa dib loogu riixay, wiig bay Muqdisho u fadhiyeen, wixii u qabsoomi waayay ayaa shirkaa dambe loo qabanayaa”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in haddii daacad laga yahay doorashadu ay xilligeeda ku dhacayso:

“Aniga waxay ila tahay haddii daacad laga noqdo oo dowladda federaalka iyo madaxdeedu ay daacad ka yihiin xilligii loogu talagalay way ku dhacaysaa, waxa la isku hayaaba waa waxyaabo sahlan, baarlamaanku waa qeybsan yahay meel walba inta ka imaaneysa waa la yaqaanaa, madax dhaqameedyada waa la yaqaanaa, waxa kaliya oo coleys ah ergada 51 ah”.

Si kastaba, khamiistii lasoo dhaafay ayaa waxaa shirka madasha wadatashiga qaran kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban illaa 11 qodob oo ay ku heshiiyeen madaxda Soomaalida, iyadoo 20 Juun u ballamay shir kale oo ka dhici doona magaalada Baydhabo lagu gorfeyn doono arrimaha doorashada Soomaaliya.

Goobjoog News