Xildhibaan Ka Warbixiyay Shir Ka Dhan Ah Koonfur Galbeed Oo Ka Furmay Bakool

Xildhibaan Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shir dhawaan ka furmay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, kaasi oo la sheegay in maamul lagu soo dhisayo gobalka Bakool.

Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid dadka deegaanka ay qabsadeen, islamarkaana ay doonayaan in aayahooda ay ka tashadaan.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Shuuriye in tani ay ka dambeysay kadib markii dadku ku qanci waayeen shaqada maamulka Koonfur galbeed, ayna doonayaan inay dhistaan maamul ay ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in shacabka gobalka Bakool ay u wacdeen xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta kale ee halkaasi ku sugan, islamarkaana ay doonayaan in laga cawiyo arrimaha ku aadan maamul sameesashada.

Shirkaan ka furmay degmada Ceelbarde waxaa ka qeybgalaya beello deggan inta badan degmooyinka gobalka Bakool.

Goobjoog News

 

Related Articles

10 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW