U bood dhigaalka

Xildhibaan Ku Baaqay In Cadaaladda La Horkeeno Ragii Ka Dambeeyay Dilka Xildhibaan Yuusuf Dirir

Sheeko:Baarlamaanka

Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaaladda lagu soo hor istaajiyo ragii ka dambeeyay dilka xildhibaan Yuusuf Dirir oo maalin kahor u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamo ka mid ahdowladda Federaalka.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow oo u waramay Goobjoo News ayaa sheegay in baarlamaanka uu gudanayo waajibaadkii loo igmaday, islamarkaana aysan wax hakad ah ama saameyn ku yeelan doonin xildhibaanada kale falalka lagu waxyeelayno amniga mudanayaasha.

Waxa uu sheegay in dhacdadii lagu dilay xildhibaan Dirir ay ahayd mid ku cusub, maadaama xildhibaanka ay dileen ciidamo ka mid ah Milatariga dowladda, balse waxa uu dalbaday in cadaaladda ay kasoo muuqdaan ragii falkaasi fuliyay.

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay qirtay in xildhibaan Yuusuf Dirir ay dileen ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka, islamarkaana hadda lawado baaritaano arintaan ku aadan.

Dhacdada lagu dilay mudanaha ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo, waxaana dowladda laga dhowrayaa waxa ay kasoo saarto baaritaanka kale ee hadda socda.

Goobjoog News