U bood dhigaalka

Xildhibaan Maclow “ Baarlamaanka Wax badan Ayaa U Qabsoomay Mudadii Uu Shaqeynayey”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Maclow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in waxyaabo badan u qabsoomay mudadii uu shaqeynayay baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay markii maanta oo kale la dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka 2012-kii ay xildhibaanada soo dorteen gudoomiyahii Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay soo doorteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena ay codka kalsoonida siiyeen Ra’iisul wasaarihii lasoo magacaabay iyo wasiiradiisa.

Waxaa jira qodobo muhiim ah oo aan baarlamaanka u qabsoomin mudadii uu shaqeynayay, iyadoo ay jireen qodobo u baahnaa in lagu meel mariyo Sagaashanka cisho ee ugu horeeya, ayaan hadana xildhibaanka waxa aynu wax ka weydiinnay sababta arrintaasi.

Mudane Maclow ayaa tilmaamy in wax walbo ay qabsoomayaan markii uu Alle ugu tala galo, balse ka baarlamaan ahaan ay dadaal badan sameeyeen, islamarkaana shaqo badan ay qabteen haba daahaane.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Maxamuud Maclow ayaa sheegay in ay aad ugu rajo weynyihiin mudada soo hartay in ay ku qabtaan shaqooyinka badan ee horyaalla ka xildhibaanno ahaan.

Goobjoog News