U bood dhigaalka

Xildhibaan Madeer oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho

Sheeko:War

Waxaa maanta aas qaran Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistee xildhibaan Shiikh Aadan Madeer oo koox hubaysan ay shalay ku toogteen degmada Xamar wayne.

Madaxda ugu saraysa dalka ayaa maanta ka qayb galay aaska Magaalada Muqdisho loogu sameeyay Xildhibaan Madeer. Xildhibaanka ayaa lagu aasay gudaha isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Aaska Marxuumka kadib ayaa waxaa geeridiisa ka tacsiyadeeyay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo horey ay iskula soo shaqeeyeen iyo sidoo kale dad kale oo iyaguna horey xilal kala duwan u soo qabtay, kuwaasi oo Marxuumka ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi wanaaga jecel, Alle ka cabi badan iyo in bulshada Soomaaliyeed si daacadnimo ah loogu shaqeeyo.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay tacsi u direen Ehellada, qaraabada iyo guud ahaanb Ummadda Soomaaliyeed falkii shalay lagu diay Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Sheekh Madeer oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Waxa aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka Nambar Afar iyo Taleex ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu arkayay maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dilkan waxa uu qayb ka yahay dilal Magaalada Muqdisho loogu gaysanayay xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii Ramadaan ayay ahayd markii bartamaha Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xildhibaanada Baarlamaanka dalka.