U bood dhigaalka

Xildhibaan Mahad Salaad: Wax Shaqo oo Golaha Shacabka Ka Socota  Ma Leh

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay sababta loo doortay xildhibaannada golaha shacabka isaga oo yiri “Ma shaqo ayaa naloo doortay mise in aan shirno”?

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa yiri “3-da shaqo ee ay xildhibaannada leeyihiin waa sharci-dejin, isla xisaabtan iyo matalaad, su’aal ayaa idiin weydiiyee, qofka deegaan doorashadii laga soo doortay inta ku laabtay shaqo ka soo qabtay oo baarlamaanka fadhiya yuu yahay?  Aad ayey u yar yihiin sida aan aaminsanahay.

Dhanka Sharci-dejinta waxaa uu xildhibaan Mahad ka yiri “ Baarlamaankan miyaan aheyn midka la hor keenay sharcigii badalitaanka sharciga bangiga dhexe ee gaalka shaqada loogu raadinayey anisiyey ee gacanta u taagay, baarlamaankan miyaa aheyn midka loo keenay sharciga doorashooyinka  oo qodobo dastuuriga ah oo 11 gaaraa lagu buriyey, oo la leeyahay doorasho ayaa lagu qabanaa, markii aan wareysanay nala yiri sharciga ansixiya kadib ayaa dastuurka loo badalaahe, sharciga aan ka shaqeyneyno ama aan ilaalineyno xaguu yaalaa xildhibaanow?

Isla xisaabtanka, mudane Mahad salaad waxaa kale oo is weydiiyey “ Baarlamaankan miyaan aheyn kii guddiga naga maaliyadda report inta aan u keenay, niri wax hala doodo meeshan dhibkan ayaa ka dhex muuqda miisaaniyaddii 2018, nagu cambaareeyey,  nagula kala diray oo nagula orinaayey? Hadda markii uu soo saray hanti dhowraha wixii  wixii innaga aan ka digeynay dhowr bilood ka hor xagee ku dambeyday, hal qof oo xildhibaannada ka mid ah oo yiri miyaa jira  haddii guddigii hore loo diiday hadda hanti dhowrka sheegee inta loo waco hala weydiiyo hal qof oo yiri miyaa jiro? Baarlamaanka in la yimaado in la shaqeeya ka horeysa……eedda ma aha waxaa ay u iman waayeenne, meesha wax shaqo ah kama socoto.

Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu ku jiraa xildhibaannada fara ku tiriska ah ee marar badan soo jeediyey isla xisaabtan dhab ah, ka sokow in uu qeyb ka ahaa guddiga maaliyadda golaha shacabka ee soo saaray wax isdaba marin miisaaniyadda 2018, sidoo kale waxaa uu golaha geeyey mooshinno aan waxbo laga soo qaadin.

Goobjoog News