U bood dhigaalka

Xildhibaan Maryan Cariif oo Rajo Xumo Ka Muujisay Helidda Qoondada Haweenka ee Doorashooyinka 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo muddooyinkii lasoo dhaafay ay haweenka Soomaaliyeed ay dadaal dheeri ah ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen saamiga 30% dhamaan hay’adaha federaalka  ayaa hadda waxaa muuqaneysa xoogaa rajo xumo ah oo soo waajahaysa dumarka  kuna saabsan inaaney heli doonin saamigii loo qoondeeyay sanadkan 2016.

Sababta ugu weyne ayaa ah guddiga baarlamaanka federaalka u qaabilsan dhaqan gelinta dastuurka inuu arrintaa awood buuxda u yeelan waayay, sida maanta xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ay ka hor sheegtay haween kala duwan oo ka kala socday gobolada dalka :

“Jidka ugu sahlan ee gabdhaha qoondadooda lagu heli karo hadda saacaddaan la joogo, waa in wasaaradda haweenku ay soo saarto sharci, sharcigaas waa in golaha wasiirada la keeno, waa in sharcigaas ay baarlamaanka u soo gudbiyaan, baarlamaanka angaa ka dhameynayna, inaan iska riyoonno oo kaliya lama rabo waxaa wanaagsan si run ah iney wax u socdaan, dastuurku waa uu simay xaqa ragga iyo dumarka”.

Xildhibaaan Maryna Qaasim ayaa si cad u sheegtay in xaqa dumarka dastuurka lagu caddeeyaa ay adagtay, sidaa darteed wadada ugu haboon ee xaqa lagu heli karaa ay tahay in sharci ay ku caddahay qoonada haweenka ay soo diyaariso wasaaradda haweenka kadibna baarlamaanka laga ansixiyo.

Marka la eego hadalka xildhibaan Maryan iyo hanka dumarka ayaa ah mid aan hadda is qabaneyn, 2016 haweenku waxay raadin xoogleh ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen 30% , taas oo ay ku hungoobeen sanadkii 2012.

Si kastaba ha noqotee, wasaaradda haweenka ee Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa iney soo dedejiso sharciga saamiga haweenka ee qeexaya iney hawoonku 30% ay ku yeeshaan  dowladda Soomaaliya, haddiise sharcigan wasaaraddu ay ku guuleysan waydo, waxaa dhici doona in mar kale ku hungoobaan haweenku iney helaan saamigii ay ka doonayeen dowladda Somaaliya.

Goobjoog News