U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf: Sharciga Liiltirka Siyaasiyiinta Waa Mid aan Dalku Qaadi Karin

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah uga soo horjeestay sharciga liiltirka siyaasiyiinta dalka ee hadda baarlamaanka horyaalla, lana filayo inuu dhawaan ansixiyo.

Xildhibaanka oo Sabtidii ka hadlay xarunta baarlamaanka ee Muqdisho ayaa si adag u weeraray sharcigan oo uu ku tilmamaay midaan dalku qaadi karin:

“Arrinta laga hadlayaa waa arrin aad iyo aad xasaasi u ah weeye, adduunka labo sestam ayaa ka jiri jirtay waagii hore, system-ka hanti goosadka ah iyo system-ka hanti wadaaga ah, xuquuqda siyaasiyiintu waxay ka jirtay dalalka Hanti wadaaga ah bas, ninka siyaasiga ah ama gole dhexe haku jiro ama gole shacbi haku jiro 10 sano marka uu dhameeyo Beeshin(pension) buu galayay, anagu waan lahayn markii uu kacaanku jiray, laakiin nidaamadii ka horeeyay ama kuwa hadda adduunka looga dhaqmo siyaasi xuquuq u leh ma jiro waxan la sheegayo”.

“Kaliya waxaa ka jira madaxweynaha oo noqonaya xildhibaan caadi ah inta uu noolyahay, laakiin waxa kale oo dhan waxay leeyihiin ma jiraan, walaa xildhibaan baan lahayn, walaa wasiir baan lahayn, walaa guddoon baan lahayn, wax ay ku leeyihiin haba yaraatee ma jirto, waxaanna dalkeenu ma qaadi karo laga hadlaayo, waxaan u muuqaneynaa dad raadinaya xuquuq qayru caadi ah, sidaa daraadeed ninka xildhibaanka ah ama wasiirka ahi, gunno siyaasadeed lama siin karo, waxa uu qaadanayaa waa gunno xil lacag lagama jaro, waxaa xaq u leh lacagta shaqaalaha iyo askarta oo markii intaas oo sanno ay soo shaqeeyaan lacagtoodana cashuur laga gooyo, bil walba meel loo dhigo ay qaadanayaan weeye, sidaas darteed yaynaan indhaha ka ridin nidaamka adduunka ka jira, ha la baaba’sho wax umadda Soomaaliyeed u cuntama maaha, wax la yeeli karana maaha”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hindise sharciyeedka Liiltirka iyo deeqaha ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ah mid xuquuq badan u ogolaanaya madaxda dowladda ugu sareysa iyo siyaasiinta kale ee golaha wasiirada ama golaha shacabka ku jira, waxa uuna u baahan yahay  miisaaniyad adag si loo fuliyo, sharcigan ayaa akhrintiisii 3aad la mariyay waxa uuna sugayaa in loo codeeyo oo kaliya.

Goobjoog News