U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Qoone oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Baaqay In Loo Gurmado Shacabka B/weyne

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa baaq ku saabsan dhibaatada Baladweyne ee fatahaadda wabiga Shabeelle u diray umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada baladweyne waxaanuu yiri:

” Dadka magaalada Baladweyne ku nool 80%-85% magaalada biyaa galay, nin gurigiisa ka barakacay oo joodarigiisa oo qoyan kaliya wata oo sahaydii ka qoyday oo bakhaaradii ka qoyeen, wax hanti ah oo ka badbaaday ma jiraan, dhibaatada ugu ba’an ayaa haysa dadkaas cid kasta oo u gurman karta oo wax tari karta waxaan dhihi lahaay haloo gurmado”.

Waxa uu baaq u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed:

“Qof kasta oo Soomaali ah waxaa laga rabaa Islaanimada iyo Soomaalinimada uu ka jawaabo, oo dadkaa walaalaha ee dhibku haysto loo gurmado, dowladda Federaalka Soomaaliya gurmad ayay sameynaysaa”.

Xildhibaanka ayaa si gaar ah ula hadlay xildhibaanada reer Hiiraan oo uu xasuusiyay inay dadku dadkoodii yihiin isla markaana ay uga baahan yihiin in loo gurmado, hormuudna laga noqdo waxtarkooda.

“Xildhibaanada reer Hiiraan baaq ayaan u didarayaa, hay’adaha caalamiga ah baaq ayaan u dirayaa, dadka wax haysta ee Soomaalida ah ama reer Hiiraan ahna baaq ayaan u dirayaa waxaan leeyahay dadkaa haloo gurmado”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowalddu  ay gurmatay dawo iyo mara- kaneecooyina ay gobolka u dirtay waxtar kale ay hadda geynayso gobolka.

Wabiga shabeelle ayaa fatahaado xad dhaaf ah ka sameeyay magaalada Baladweyne , xaafadaha xaawo-taako iyo Kooshin ayaa ugu sii darnaa meelihii uu wabigu fatahaadaha ka sameeyay, iyadoo bulshadii ku dhaqneyd intooda badan ay iskaga barakaceen.

Goobjoog News