U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamuud Abukaate “Waxaan Ka Badbaaday Qarax La Igu Qaarajin Lahaa”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey qarax habeenkii xalay ahaa lala eegtay gaari uu saarnaa, kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay degmada Hodon, gaar ahaan wadada Taleex lala eegtay gaarigiisa, halkaasina ay ku dhaawacmeen Labo kamid ah ilaaladiisa.

Qaraxa ayuu sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso, isaga oo tilmaamay in sidoo kale gaarigiisa uu burbur soo gaaray, balse isaga uu nabad qabo.

“Xalay fiidkii mar aan maraayey wadada Taleex ee degmada Hodon ayaa waxaa igu qabsaday qarax aan is dhihi karo iney ka dambeeyeen nimankii nabad diidka ahaa, ahaana noocada wadada dhinaceeda la dhigo meelaha fogfogna laga hago, qaraxii ayaa nagu soo booday, gaariga qeybtiisa hore dhib xoog leh kasoo gaaray, firirkii iyo ka dhashayna waxaa ku dhaawacmay Labo kamid ah ilaaladeyda, nimanka meeshaasi wax dhigayna ulajeedkoodana waxay ahayd iney igu qaarajiyaan”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyada kusoo noqnoqday magaalada Muqdisho, isaga oo dowladda ugu baaqay in arrimahan ay degdeg wax uga qabato.

Mararka qaar qaraxyo iyo dilal qorsheysan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay keeni doonto isbedal amni oo degdeg ah.

Goobjoog News