U bood dhigaalka

Xildhibaan Nuur Faarax oo ku baaqay dhaqan gelinta xabad joojintii Caabudwaaq

Sheeko:War

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka  Dowlada Somaaliya  oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa   ku baaqay dar dar galinta xabad joojin lagu gaaray Degmadaasi.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Gudi dhax dhaxaadin ah oo ku howlanaa dhamaynta dagaalo ka dhacay Degmad Caabudwaaq ayaa sheegay in  heer gaba gaba ah ay marayaan wada hadalada ka socda Degmada isla markaana ay ku guuleysteen iney xabad joojin dhex dhigaan dhinacyadii dirirtu dhex martay.

Nuur Faarax ayaa ammaanay kaalinta ay ka geysteen qeybaha kala geddisan ee bulshada ku dhaqan degmada xallinta khilaafka iyo xabbad joojinta.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiskii la gaaray, dadkuna is cafiyaaan.isagoo ka digay in markale ay soo laabtaan xiisadaha ku salaysan aano iyo qabiil.