U bood dhigaalka

Xildhibaan Nuur Faarax “Seddax Sano Ayaan Shaqooyin Muhiim Ah Ku Qabannay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mudadii Seddaxda Sano ahayd ee Baarlamaanka shaqeynayay u suurta gashay in ay qabtaan shaqooyin aad u badan.

Waxa uu sheegay in ay gaareen inay ku shaqeeyaan qaab casri ah, islamarkaana shaqada ay qabteen ay noqon doonto mid lasii hiigsan karo.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay la xisaabtameen xukuumadaha dalka soo maray mudadii uu shaqeynayay baarlamaankaan aan KMG ahayn.

Goobjoog News ayaa xildhibaanka si gaar ah waxa ay u weydiisay waxa uu u qabtay gobalada uu kasoo jeedo, ka mudane ahaan mudadii uu shaqeynayay.

“Fasax walba waan tageynay gobalada dalka, fasax walbana sidaas oo kale, safarkeenii ugu horeynay waxaan ku tagnay gobalka Galgaduud, Federaalka ayaan gaarsiinnay, waxaan ku dadaalnay in baahiyaha halkaasi ka jirta aan soo gudbinno, waxaan kasoo sameynnay dib u heshiisiin, dagaallo dhacay waan kala dhex galnay, Gedo ayaan sidoo kale tagnay, waxaan tagnay degmooyinka gobalka ee xurta ah, xog ayaan kasoo uruurinnay baahiyaha dadku qabeen waxaan la wadaagnay xukuumadda” ayuu yiri xildhibaan Nuur Faarax.

Ugu dambeyn Xildhibaanka ayaa sheegay in xilli walba ay u taagan yihiin sidii ay kusoo wadi lahaayeen shaqada ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, islamarkaana wax walba oo dadka u baahan yihiin ay kala hadli doonaan xukuumadda iyo hay’adaha Samafalka ah.

Goobjoog News