U bood dhigaalka

Xildhibaan Odawaa oo Iska Diiday Xubinnimada Guddigii Aadan Madoobe uu Magacaabay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed Odawaa ayaa iska diiday xubinnimada guddi maanta uu magacaabay Aadan Madoobe guddoomiyaha golaha shacabka, kaas oo loo xil saaray soo baarista dhacdadii 7-da bisha ka dhacday xarunta golaha shacabka oo ay sameeyeen xubno ka tirsan xildhibaannada oo fowdo kiciyay xilli la ansixinayay xukuumadda.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa ayaa sheegay inuu ka cudurdaaranayo xubinimada, waxaana sidoo kale qoraalka uu sheegay inuu ugu baaqayo xildhibaannada golaha shacabka in lawada ilaaliyo anshaxa iyo dhaqanka, isaga oo intaas sii raaciyay hadalkiisa in mudanayaashu yihii indhihii shacabka, sida uu ku xusay qoraalkiisa lasoo galiyay barta Facebook-ga.

“Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan” ayuu yiri Odawaa.
“Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka” ayuu sii raaciyay gabagabadii qoraalkiisa xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.
Waxaan la ogeyn sababta keentay inuu iska diido guddiga, hadalka kasoo baxay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maanta guddoomiyaha golaha shacabka guddi uu magacaabay lagu daray xildhibaanka, kuwaas oo loo idmaday in ay soo baaraan dhacdadii 7-da bisha ka dhacday xilli ay socotay meel marinta xukuumadda cusub ee hoggaamiyo Xamse Cabdi Barre.
Goobjoog News