U bood dhigaalka

Xildhibaan Qoone oo Eedayn Kulul U soo Jeediyay Golaha Madasha Wadatashiga Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa eedeyn kulul dusha uga tuuray golaha madasha wadatashiga oo uu ku sheegay in aaney ku dhisneyn sharci, go’aanada ay soo saaranna waxa ay yihiin kuwo aan la isku halleyn karin.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee daganaanshiyo la’aanta dalku ay tahay shuruucda dalka oo aan la dhowreyn:

“Soomaaliya dhib badan ayaa soo maray dhowr iyo labaatankii sanno ee ugu dambeysay, Soomaaliya dowlad ayay ahayd iyo qaran la ictiraafsan yahay adduunkoo dhan, heerkan waxaa gaarsiiyay wax alaaliyo wixii lagu ballamo aan la fulineyn, shuruucda dalka oo aan la dhowreyn, madashu hadday qorshe keenaan waxaa laga rabaa iney iyagu qorshahaa fuliyaan kuna fuliyaan wakhtiga ay ku eegyihiin baarlamaanka iyo madaxweynaha ay ku sameeyaan, qorshaha ay sameeyaan haddii aaney fulin karin in markii horeba ay gaaraan may ahayn”.

Xildhibaanka ayaa xusay in madashu markii horeba aaney sharci ku saleysneyn:

“Madashu markii horeba sharci kuma fadhin oo sharci ma ahayn, waxay ahayd arrin baarlamaanka iyo dowladda lagu daciifinaayo oo ay keeneen dad dano gaar ah leh, Soomaalidu waxay tiraahdaa hal baadi ah nirig xalaal ah ma dhasho, marna ma aaminsani in madashu ay wax fiican keeni karo”.

Golaha madasha wadatashiga qaran ayaa lagu wadaa in maalinta barri ah uu shirkoodu ka furmo magaalada Muqdisho iyadoo go’aanadii ay soo saareen bishii Juun iyo shaxdii Doorasho aaney wali waxba ka fulin.

Goobjoog News