U bood dhigaalka

Xildhibaan Saynab Maxamed: ” Dadka Reer Hiiraan Wey Is Eeganayaan Shacabkoodiina waa Baaba’ay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa sheegtay in dadka reer Hiiraan ay is eeganayaan Shacabkoodiina uu baaba’ay.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka warbixisay dhibaatada ka taagan Baladweyne:

“Balad weyne wax mucjiso ah ayaa ku dhacay, biyo bax maaha oo masoobixin wabigii, biyo xag rabbi ka yimid oo mucjiso ah oo guryihi qaaday oo dadkii go’doon ka dhigay oo illaa hadda socda, hayaraadaan illaa hadda waa socdaan, xaalad bini’aadanimo oo xun ayaa ka jirta, dowladda walaaha aan nahay ee reer  Jabouti ayaa soo gurmatay, waxay keeneen bustayaal, waxay keeneen mara-kaneecada, waxay keeneen raashin, dhibaatadii wali waa taagan tahay dadkii go’doon ayay ku jiraan”.

Xildhibaanku waxay intaa sii raacisay:”Biyuhu waxay kor u dhaafeen sadex mitir dadkii baabuur ay leeyihiin ciidamada Jabouti ayaa lagu soo daadgureynayay, waxa maanta Baladweyne ka dhacayaa waa wax mucjo ah, walina shacabka magaalada banaankeeda ayay joogaan oo wey ka maqan yihiin guryahooda”.

Magaalada oo dhan meel aaney biyihu saameyn ma jirto, waxaase ugu daran bartamihii magalaada iyo meelihii uu maamulka dowladdu deganaa, xeradii Booliiska, takhtarkii, bartamaha magaalada ayaa musiibada ugu weyn ku dhacday, waxaad ka bilaabeysaa buundo labaad illaa Lamagalaay waxay noqotay bad, shacabkii Soomaaliyeed ee reer Baladweyne Illaahay bay leeyihiin mucjiso ayaa ku dhacday, waana sida ay hadalkeeda u dhigtay.

Xildhibaan Saynab waxay ka warbixisay haddii ay jiraan wax gurmad ah oo lasoo gaarsiiyay shacabka illaa hadda:

“Wax muuqda oo la taaban karo illaa hadda waxaa bixisay dowladda Jabouti, waa la leeyahay dowladda federaalku waa soo socotaa, muddo 15 ka badan wax gargaar ah oo dhanka dowladda uga yimid ma jiraan”.

Xildhibaanku waxay canaan dusha uga tuurtay qurba joogta iyo ganacsatay reer Hiiraan oo ay tiri way is eeganayaan:

” Waxaa la isku dhaafay shacab, garancsatada Baladweyne joogaa shacabkooda mayna caawinin, dadka dibadaha ka hadloo Ingiriiska iyo Mareykanka jooga waxba masoo tarin, shacabkaan Illaah buu leeyahay, Baladweyne Ceelna uma qodna cidina uma maqna, reer Hiirana wey is eeganayaan Shacabkoodiina waa baba’ay, haddaaney joogin Hiilwalaal Baladweyne maanta waa laga kala guuri lahaa”.

Hadaba, shacabka Baladweyne waxay u baahan yihiin gurmad xooggan oo dhan walbo leh, iyadoo aad ugu baahan dawooyin, Bustayaal, Mara-kaneecooyin iyo Raashin ay kaga baxaan xaaladda adag inta noloshu ay ku soo noqoneyso sidii caadiga ahayd.

Goobjoog News