U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif “Shirka Madasha Baydhabo Waxa Uu Ahaa In lagu Soo Af Jaro Howlihii Doorashooyinka”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkii madasha baydhabo la filayay iney ka soo baxaan qodobbo intaa ka badan, isagoo ku tilmaamay guddiyada doorashooyinka kuwo aan marnaba dhex dhexaadnimo laga fileyn.

Xildhibaan Shariif oo aan wareysi  dheer oo ku saabsan shirka madasha Baydhabo la yeelaney ayaa ugu horreyn ka warbixiyay guud ahaa sida uu u arko shirka iyo qodobadii kasoo baxay:

“Shirkii madasha ee Baydhabo sida la sheegayo si wanaagsan buu ku dhacay arrimaha isku dhinac in loo wado bay u badneyd, qodobada ka soo baxayna waxaa la filayay wax intaa ka badan iney kasoo baxaan, gabi ahaanba wixii taagnaa lasoo gabagabeeyo, waxaad moodaa iney u arkeen inaan la dhameyn Karin, arrimo badan oo laga gows adeygayay xal bay ka gaareen, markaa shirku wuu iska fiicnaa baan u maleynayaa”.

Xildhibaanku waxa uu ka hadlay xubnaha wasiirada ah ee laga saaray guddiga doorashooyinka iyo sida uu u arko:

“Dadbadan oo aan anigu ka mid ahay markii la soo saaray liiska, waxaa ka muuqatay dadka soo saaray in ay wax badan ka dhinnaayeen doorashada xogta ay u hayaan iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin iney yareyd, dad xildhibaanna ah xildhibaanimo raba, wasiirro ah meelo la jira in Inta la xulo la yiraahdo kuwan baa hoggaaminaya dhaliil baan u aragnay, laakiin  marba haddii ay ka noqdeen hadda faallo badan kama bixineyno, dariiqii la rabay in la maray ayay hadda u dhawdahay”.

Dalkan aan hadda joogno dadkiisu si ay dhex dhexaad ku noqdaan aadbay u adag tahay, dadka hadda la filayaase waa dad aan doorashada ka qeyb geli karin, taasina ay keeni karto illaa heer lagu kalsoonaado, laakiin dhex dhexaadnimo buuxda iney jirayso ilama aha oo dadka magacaabay shaatigii siyaasiga ayuun bay ka bixinayaan mooyaane iney soo xulanayaan dad u dhaw  waa iska caddahay, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanku waxa uu xusay in maamuladu guddiyada doorashada ay soo xulayaan iney dhex dhexaad noqon karaan in laga filaa meesha aaney ku  jirin, Axsaabta ayaa cadaalad laga fili karay, iyagiina hadda go’aanka waxba kuma laha, sidaa darteed; meel meeshii hore ka fiican baa la soo gaaray, laakiin ilama aha iney dhex dhexaad noqon karaan.

Shirka madasha wadatashiga qaran ayaa 25 bishan ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo iyadoo laga soo saaray qodobbo khuseeya doorashooyinka 2016,  dib u eegisna lagu sameeyay guddiga doorashooyinka heer federaal oo laga saaray xubnahii wasiirada.

Goobjoog News