U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay In Maamulka Bakool Sare Ku Biiri Doono Maamulka Hiiraan Iyo Sh/dhexe

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xarow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in suurta gal ay tahay in maamulka Bakool sare uu ku biiro maamulka loo sameynayo goballada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in maamulka Bakool sare aanu dib ugu laaban doonin Koonfur Galbeed, islamarkaana ay si gaar ah u taagnaan doonaan inta maamul ay ku biiraan ka heli doonaan.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in beello hor leh oo ku dhaqan gobalka Bakool ay kusoo biireen maamulkooda, suurta galna ay tahay in ay wax ku darsadaan maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay xildhibaanka in arrinta ugu weyn ee hadda taagan ay tahay in dadka ku hadlay Maxaa Tiri ay u badan tahay inay soo raacaan maamulka Bakool sare halka laga yaabo Koonfur Galbeed inay ku haraan oo kaliya dadka ku hadlay afka Maayga waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Maamulka la yiraahdo Koonfur Galbeed waxaa wax u yeerinaya dad ku hadlaya oo kaliya Maayga laakiinse maamulka Bakool sare waxaa uu heli doonaa dhammaan dadka ku hadla afka Maxaa tiri ee ku sugan goballada Koonfur Galbeed” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxaa isa soo taraya khilaafka ka jira maamulka Koonfur Galbeed kadib markii degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool looga dhawaaqay maamulka Bakool sare.

Goobjoog News