U bood dhigaalka

Xildhibaan Shuuriye “Caruur Badan Baa Ku Dayacmay Wixii Ka Dambeeyay Burburkii Dalka”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cismaan Shuuriye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in caruur badan oo Soomaaliyeed ay dayacmeen ka dib burburkii dalka.

Waxa uu sheegay in magaalooyinka waaweyn ee dalka lagu arkayo caruur badan oo darbiyada jiifa ama aan haysan daryeel wanaagsan oo ku filan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in caruurta ay u baahanyihiin waxyaabo badan, sida daryeelidda caafimaadkooda, waxbarashada iyo wax walba oo u baahan yahay qof walba oo bini’aadam ah.

“Marka aad tagto magaalooyinka dalka waxaad arkeysaa caruur badan oo dayacan, waxaana keenay burburkii dalka, waana wax aad looga xumaado, laakiinse hadda wasaarado ayaa arintaasi u dhisan waxaana aaminsanahay in arintaasi wax laga qaban karo hadii dhexda loo xirto” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Shuuriye ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed cid walba oo wax haysata in ay u gurmadaan caruurta yar yare e darbiyada jiifta, iyadoo ay nagu soo dhawdahay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaa dayac xoogan uu soo wajahay caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Darbi Jiifka, kuwaasi oo aan helin daryeel ku filan.

Goobjoog News