U bood dhigaalka

Xildhibaan Shuuriye Mu’min “Xukuumadda Soomaaliya Ajande Qarsoon ayay ka Leedahay Shirka Jowhar”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shuuriye Mu’min Afrax oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay xaalado badan oo ku saabsan siyaasadda dalka, isagoo ku eedeyay xukuumadda Soomaaliya in ajande Qarsoon ay ka leedahay shirka Jowhar.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay Shirka dib u heshiisiinta ee Maanta baladweyne ka furmaya, aasaaskiisa iyo bilowgiisa waxaa lahaa, ayuu yiri; Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ula jeedadiisuna ay tahay in dadka reer Hiiraan Nabad la dhex dhigo oo la walaaleeyo, oo dhacdooyinkii hore laga walaaloobo,  go’aankaas waxaa la qaatay 7 ugaas ee bayaanka la saxiixday oo ka tirsanaa ugaasyada beelaha Hiiraan, sidoo kale waxaa aqbalsan ugaasyo kale oo muhiim ah oo degan gobolka.

waxa uu tilmaamay in shirkan dib u heshiisiinta ah lagala tashaday xukuumadda Soomaaliya; “Shirkan waxaa lala wadaagay Dowladda Soomaaliya, laakiin wax ogolaansho ama diidmo ah toona lagama helin, sidaas oo kale waxaa furitaanka shirkan lala wadaagay Beesha Caalamka iyo xafiiska UNSOM oo 28 March tagay magaalada Baladweyne, iyagoo sheegay iney talo dib iskugu noqon doonaa, laakiin ugaaska, waxa uu go’aansaday in dadka reer Hiiraan isku tashtaan”

Xildhibaanka ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ay ka jira colaado taagan iyo kuwo aamusan, waxa uu tusaale usoo qaatay colaado ka dhex taagan beelaha gobolka oo u baahan xallin iyo wada hadal, waxa kale oo uu sheegay iney jirto kuwo kale oo aamusan oo wakhti kasta dib u kici kara, isla markaan loo baahan yahay in laga gaaro xal waara.

Xukuumadda dib u heshiisiinta waxaa uga muhiimsaneyd, ayuu yiri; intii ay gobolka ku noqnoqoneyeen oo ay xoogga saarayeen in dadka gobolka degan iyo mas’uuliyiintooda dhaqanka intaba ay soo wadaan oo shirka Jowhar ay keenaan, ajandahaa mid ka duwan oo loo sheegana diyaar umey ahayn iney ka hadlaan, Xukuumaddu wax ajando ah kama laha Shirka dib u heshiisiinta Hiiraan, haddaaney hadda kadib ka yeelan doonin.

“Xukuumaddu in shirka Jowhar lagu qabtay waxay u dooneysaa, dadaal bandanna ugu bixisay in dadka Jowhar la geeyo, iyadoon hal maalin juhdi lagu bixin in dhinaca kale su’aasha loo bandhigo, kaas waxaan u qaadanaynaa in xukuumaddu Ajande qarsoon ka leedahay shirka Jowhar kaas oo ah meel iyada u xiran iyo sida ay rabto ay ka yeeli karto habsami u socodka shirka, wixii ay rabaanna ay kasoo saari karto, iyadoo xafiisyada UN-ka aaney joogin Jowhar” waana sida uu hadalka u dhigay.

Doorashada 2016 haddii la xisaabo waa erayga ugu soo noqnoqshada badan dhanka warbaahinta, u diyaar gorowgeeda illaa hadda waxba lagama qaban, waxba kama bilaaban, hadday ka bilowdeenna waa wax ku eeg xafiisyo gaar ah ama shakhsiyaad gaar ah maskaxdooda, sidii doorashadaas loo aadi lahaa ama wakhitgii ay dhici lahayd midkoodna wali sicad looma sheegin, waana waxyaabaha looga fadhiyo iney xukuumaddu keento.

xildhibaan Shuuriye waxa uu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca xildhibaanada saaxiibadey ah in aad dadweynaha Soomaaliyeed u sheego in xildhibaanada 90% iyo wax kabadan ay doonayaan iney aadaan doorasho ama xusho ayna helaan sharciyad cusub, way dhici kartaa in 5% ay doonayaan muddo korosi, baarlamaanka iyo madaxtooyada madmadow farabadan ayaa ku kala dhex jiray muddooyinkii dambe, xildhibaanadu waxey aad tuhun uga qabaan in madaxtooyadu ay dooneyso in ay hoggaamiso nidaamka doorashooyinka dalka, waxayna ku baaqayaan in dad madaxabanaan loo dhiibo nidaamka doorashada dalka”.

Ugu dambeyn waxaa maanta shir dib u heshiisiin ah laga furay magaalada Baladweyne oo ula jeedadiistu tahay in la isku calool xaarto, laguna heshiisiiyo beelah Hiiraan, waxaana furay sadex duub oo kamid ah duubabka Hiiraan, shirkan ayaa la ogeyn waxa uu u dhimi karo gogoshii Jowhar oo iyadana ay joogaan dhaqanka Hiiraan qaarkood.